MW Farmaajo oo aan gudanin 2 ABAAL oo ay midna Jabuuti ku leedahay midna Geelle gaar ugu leeyahay

0

(Hadalsame) 15 Maajo 2021 – Waxaa jira muran ka taagan sababta uu MW Somalia, Md Farmaajo uu uga maqnaaday munaasabadda caleemo saarka dhiggiisa Jabuuti, Md Ismail Cumar Geelle, xilli uu weliba ka qayb galay middii loo dhigay kan Uganda, Yuveri Musaveni.

Nidaamka hadda jira ee uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa hardan la galay inta badan dalalka deriska ah marka laga reebo Itoobiya, waxaana taa qayb ka noqotay Jabuuti oo aysan isku fiicnayn, taas ayaana loo badinayaa inay tahay sababta uu Farmaajo uga maqnaaday tegitaanka Jabuuti.

XAQ MALOOGU LAHAA INUU TAGO? Sharciyan ma jiro xeer dhigaya inuu tago, balse misna marka la eego xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale in Geelle laftiisu uu kasoo qayb galay munaasabaddii caleemo saarka Farmaajo, ay sax tahay inuu Farmaajo Jabuuti tago.

”Halkan waxaa maanta iskugu yimi 120 dal oo kasoo qayb galay caleemo saarka, waxay taasi muujinaysaa sida la idinkugu han wayn yahay, annaguna waxaan idiin sidnaa kalgacalkii walaalihiin Jabuuti, oo sidii ay idiin garab taagnaan jirtey idiin garab taagan,” ayuu yiri Geelle oo ka khudbaynayey munaasabaddii caleemo saarka MW Farmaajo.

”Dadwaynaha Soomaaliyeed si wayn ayuu kuusoo dhoweeyey, wax baana dee nooga muuqda kalgacalkaa, wax ay ku farayaan baana jira, adiguna farriintaa inaad fahamtey baan filaynaa si aad u muujiso in kalsoonida ay ku siiyeen aad u qalanto.” ayuu raaciyey Geelle oo xilligaa Farmaajo oo taageero wayn loo muujinayey la dardaarmayey.

Yeelkeede, MW Farmaajo oo haatan xil-gaarsiin ah ayaa 4 sano kaddib taagan isagoo aan doorasho qaban, heshiis siyaasadeedna aan keenin, isla markaana aysan midaysnayd dadkii shalay wada taageersanaa oo aad u qaybsamay.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media