”Dib u laaban maayo xitaa haddii aad i dishaan!” – MW Philippines oo digniin culus u diray Shiinaha oo ay meel xun ka marayso

0

(Manila) 15 Maajo 2021 – Dalka Philippines ayaa si rasmi ah ugu gooddiyey inuu xiriirka u jarayo Shiinaha oo ay isku mari la’yihiin Badda Koonfurta Shiinaha.

Manilla ayaa erayo kulkulul waydaarsatey Beijing, kaddib markii ay China dalbadeen in markaakiibta reer Filipino laga saaro meelaha lagu muransan yahay ee South China Sea oo ay dalkooda aadaan.

Yeelkeede, MW Philippines, Rodrigo Duterte, ayaa sheegay inuusan taa cidna ka dhegeysanaynin.

‘Waxaannu joogaynaa halkan hadda iyo hadhow, maraakiibteenna halkaa joogtana hal inji dib uma guranayaan’, ayuu ku qayliyey MW Duterte.

Waloow ay labada dal xiriir fiican lahaayeen sanadihii dambe, misna waxay wada sheeganayeen biyahaasi, iyadoo ay Dowladda Manila ay sheegtay in Kalayaan – oo ka kooban dhowr jasiiradood oo ka tirsan Philippines – ay duullaan kusoo qaadeen 200 oo doonyood oo Chinese ah.

‘Kama bixi doono. Xitaa haddii aad i dishaan. Saaxiibtinnimadeenuna halkan ayay ku dhamaanaysaa’. ayuu hadal taagtaagan ku yiri Duterte.

Hadalsame Media