Israel oo gantaalihii lagu soo ridey kala kulantay laba jugood oo lama filaan ah

0

(Tel Aviv) 12 Maajo 2021 – Lacagta Israel ee shekel-ka ayaa qiime ahaan hoos u dhacday 1.4% marka lagu sarrifayo doollarka kaddib markii uu hannaanka daafaca cirka ee Qubada Birta ihi uu wada qaban waayey gantaalo ay roob uga dhigeen kooxaha xorriyad u dirirka ah ee Falastiinta la haysto.

Heerka sarrifka ayaa fiidkii shalaytoole ku xirmey 3.29, balse wuxuu kasoo dhacay 3.252 oo uu subixii joogey, taasoo ah heerkii ugu hooseeyey ee uu gaaro muddo 4 todobaad ah.

Hannaanka loo yaqaan Iron Dome ee daafaca cirka ah ayaa waxaa soo dhaafay dhowr gantaal oo ku habsadey xaafado ka tirsan caasimadda Tel Aviv ee Yuhuudda, taasoo xitaa keentay in la hakiyo duullimaadyadii rayidka ahaa gantaalaha kasoo dhacayey Gaza daraadood, sida ay faafisay Anadolu Agency (AA).

Xiisaddan ayaa ka kacday asalkii xaafadda Sheikh Jarrah ee Bariga Quddus oo ay ka socotey ilaa todobaadkii tegey, kaddib markii ay Maxkamad Yuhuudeed xukuntay in guryaha laga saaro dad Falastiini ah kaddibna la dejiyo dad Yuhuud ah.

Duqaymaha Israel ee Marinka Gaza oo ah meel go’doonsan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 30-meeyo, halka ay 200 ka dhaawacmeen, sida kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Suldada Falastiin.

Israel waxay qiratay 2 haween ah oo dhintay iyo 26 dhaawac ah.

Hadalsame Media