War cusub oo saamaynaya AMISOM & DF oo kasoo baxay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika (Codsi la diidey)

0

(Addis Ababa) 12 Maajo 2021 – Ciidamada Nabad Ilaalinta Somalia ee AMISOM, ayaa muddo kordhin loo samayn doonaa 31-ka bisha Diseembar ee sanadkan 2021, si meesha looga saaro hubaal la’aan amaan fasalka doorashada.

Go’aankan ayaa waxaa shalay gaarey Guddiga Golaha Amaanka Midowga Afrika oo ka kooban 15-dal, kuwaasoo si guud iskugu raacay in la kordhiyo sharciyadda AMISOM kaddib kulan ay shalay yeesheen.

Dalalka ku jira Golaha Amaanka AU oo ah hay’adda ubucda u ah go’aamada siyaasadeed iyo kuwa amaan ee AU ayaa haatan kala ah; Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt, Nigeria. Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique iyo Senegal.

Go’aankan ayaa loo sii gudbin doonaa Golaha Amaanka ee QM, kaasoo deeto sharciyadda AMISOM u codayn doona dabayaaqada bishan Maajo.

AMISOM oo Somalia la keenay 2007-dii, ayaa waxay u xilsaaran tahay ilaalinta amaanka hay’aadka DF, iyadoo sanad kasta sharciyadda loo kordhinayey, waloow uu haatan qorshuhu ahaa inay amaanka si tartiib tartiib ah ugu wareejiyaan Ciidamada Amaanka Somalia kaddibna ay dalka ka baxaan Diseembar 2021.

Yeelkeede, waxaa arrintaa liin ku dhiijisay xasaradda ka dhalatay qabasho la’aanta doorashada, shuruudo badan oo lagu kala dhegey ayaa keentay in aan ilaa iminka doorasho dalka laga qabanin, iyadoo la fahamsan yahay in ujeedka Madaxtooyada oo muddo kororsi ku dedaalaysey ay sabab u noqotay xaaladda cakirantay.

Midowga Afrika oo dhanka kale Somalia u magacaabay Ergay Gaar ah oo ah MW hore ee Ghana, John Mahama, si uga tala bixiyo Howlgalka AMISOM isla markaana ugu kala dab qaado dhinacyada Somalia, ayaa muujiyey inaysan diyaar u ahayn bedelaadiisa.

AMISOM ayaa waxaa ciidamo millateri ah ugu qaaraama Kenya, Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti. Waxaa dheer, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia oo sidoo kale booliiska qayb ka ah.

Hadalsame Media