Mucaaradka oo MW Farmaajo ku eedeeyey laba tillaabo oo ”xagal-daacinaysa” heshiiskii la gaarey & talo la siiyey Rooble

0

(Muqdisho) 12 Maajo 2021 – Guddoonka Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa MW Farmaajo ku eedeeyey inuu weli wado tillaabooyin xagal-daacinaysa geeddi socodka lagu doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka, sida uu yiri.

Warsame ayaa Farmaajo ku eedeeyey diidmada Ergayga Midowga Afrika iyo wax uu ku sheegay ”fadqalallo uu ka dhex wado ciidanka”, taasoo aanu sharraxaad ka bixin nooca ay tahay.

Warsame oo sidoo kale talo u jeediyey RW Rooble ayaa warkiisa u qoray sidatan:

Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin.

Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato.

Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa.

Hadalsame Media