QUBADA BIRTA AH: Hannaankii daafaca cirka Israel oo sidii la doonayey u shaqayn waayey (Gantaalo ka baxsaday)

0

(Quddus) 11 Maajo 2021 – Hannaanka daafaca cirka Israel ee Iron Dome ayaa lagu soo warramayaa inay ku adkaatay inuu wada qabto gantaalihii ay kusoo rideen reer Falastiin, sida ay qorayso warbaahinta maxalliga ihi.

Gantaalaha u gudbey dhanka Israel ayaa la sheegayaa inay dhaawaceen ugu yaraan 70 Yuhuud ah, xilli Marinka Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan 28 qofood oo ay 10 carruur yihiin.

Arrintan oo ay kicisay shaqaaqada ka oogan Masjidka Al Aqsaa ee Quddus ayaa waxaa sidoo kale Falastiiniyiinta uga dhaawacmay 152 qofood.

2 haweenay oo Israeli ah ayaa iyagana la sheegayaa inay ku dheceen gantaalo ay kusoo rideen Falastiiniyiinta Gaza, iyagoo ku sugnaa magaalo xeebeedka Ashkelon, taasoo woqooyiga uga beegan Gaza, sida uu sheegay Magen David Adom oo ka tirsan Gurmadka.

Warqaadka maxalliga ah ee Barzilai ayaa sheegaya in xarumaha caafimaadka Israel lagu dawaynayo in ka badan 70 qofood.

Garabka hubaysan ee Xamaas ee Guutada Qasaam ayaa ku gooddiyey inay ”naar” u rogayaan magaalooyin badan, iyagoo sheegay inay 137 gantaal ku ganeen dhanka Israel, gaar ahaan Ashkelon iyo magaalada u dhow ee Ashdod muddo 5 daqiiqadood ah.

Yeelkeede, hannaanka daafaca Israel ayaa hawada ku qabtay 90% gantaalihii lagu soo ridey, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Israel, Jonathan Conricus, kaasoo sidoo kale ku faanay in dayuuradaha Israel ay ilaa 130 duqayn u gaysteen Marinka Gaza, iyagoo ku doodaya inay dileen 15 sarkaal oo ka tirsan Islamic Jihaad oo iyadu 2 qiratay.

Magaalada Quddus ayaa lagu kala cararay kaddib markii uu yeerey dawanka qayladhaantu, iyadoo dadka kala cararayey ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Baarlamanka Israel ee Kneset-ka.

RW Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Xamaas ay ka gudubtey wax uu ku sheegay “khadka cas” markii ay bartilmaameedsatay Quddus, isagoo ku gooddiyey in Dowladda Yuhuuddu ay ”xoog ku jawaabi doonto.”

Hanti badan ayaa ka burburtay Israel kuwaasoo ay ku habsadeen gantaalaha Falastiin, kuwaasoo ay ku jiraan magaalada Ashkelon, iyo guri ku yaalla Beit Nekofa, Galbeedka Quddus.

Xaafado ka tirsan caasimadda Israel ee Tel Aviv ayaa sidoo kale holcaya kaddib markii gantaallo lala helay.

Hadalsame Media