RW Rooble oo Muqdisho ka wada hal qorshe oo uu fulintiisa aad ugu dadaalayo

0

(Muqdisho) 12 Maajo 2021 – RW xil-gaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaddib markii uu soo gutey Cumrada, waxaana la sheegayaa inuu durba ku dhaqaaqi doono hal qorshe.

Rooble ayaa geed sare iyo mid gaabanba u fuuli doona agaasinka iyo ka miro dhalinta shirka uu iclaamiyey 20-ka bishan Maajo, kaasoo ay ku xiran tahay heshiis laga gaaro doorashada cakiran.

Xogaha hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Rooble uu doonayo inuu shirkani noqdo mid ay wax kasoo baxaan oo aan marin jidkii kuwii kasii horreeyey, maadaama aan la haynin waqti badan oo lagu lumiyo siyaasad isla meeraysi ah.

Waxyaabaha uu doonayo in la dabbaqo si uu shirkani u hirgalo waa in meesha laga saaraa shuruudaha adag ee shirka lagu hor gooynayey kuwaasoo ay ku kala dheganaayeen Madaxtooyada iyo maamullada qaarkood.

Waxay noqonaysaa tillaabadii 2-aad ee uu qaado kaddib ciidamo ka saaristii magaalada, waxayse wax kastaahi ku xiran yihiin sida ay Madaxtooyadu hadba daacad uga tahay arrintan.

Dadka ayaa woxoogaa ka shakisan inay weli jirto siyaasad jahawareer ka muuqdo sida diidmada Ergayga AU ee ka timid dhanka Madaxtooyada, taasoo loo fahmi karo mid xaalad cusub iyo caqabado abuuri karta.

Hadalsame Media