Somalia oo ku biirtay dalalka cambaaraynaya duqaymaha Gaza & wararkii ugu dambeeyey + Sawirro

0

(Quddus) 11 Maajo 2021 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ayaa war kasoo saartay xaaladda Falastiin iyadoo hiillo u muujisay shacabka dhibban ee reer Falastiin.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Somalia, Balal Cusmaan, oo ka qayb galay kulan dhanka khadka ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen Wasiirrada Jaamacadda Carabta ayaa ku celiyey moowqifka joogtada ah ee Somalia.

”Somalia waxay taageeraysaa xuquuqda shacabka Falastiin ee dhismaha dowlad madax bannaan oo wada xukunta dhamaanba dhulalka reer Falastiin, taasoo ay caasimad u tahay magaalada Quddus.” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay Twitter-ka WAD Somalia.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii laxaadsanayso xaaladda murugsan ee dhulalka reer Falastiin oo kasii dartay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey, iyadoo duqayn aad u ba’an oo guryo waawayn lagu dumiyey loo gaystey Marinka Gaza.

Ugu yaraan 30 qofood ayaa ku dhintay – kuwaasoo ay 10 carruur yihiin – kaddib markii gantaallo culus lala dhacay Gaza, kaddib markii ay kooxda Xamaas gantaallo u riddey dhanka magaalooyin xiga dhanka Badda Dhexe oo ka tirsan Israel.

Dalal badan oo Carbeed iyo kuwo Muslimiin ah ayaa soo saaraya dhambaallo cambaarayn ah oo aan wax nuxur ah oo badan xambaarsanayn, marka ay timaaddo wadciga goobta ka taagan.

 

Hadalsame Media