KU BIIRI AQOONTAADA: 10-ka cunto ee kordhin karta awoodda MASKAXDAADA & xusuustaada

0

(Addis Ababa) 11 Maajo 2021 – Waxaad ogtahay in sida aad wax u cunto ay saamayn toos ah ku yeelato jirkaaga, sidoo kale luqmadda aad afkaaga gelinaysaa waxay saamaysaa muudhkaaga, tamarta maskaxdaada, xusuustaada, awooddaada la tacaalidda diiqadda, dhibaatooyinka isku dhiska ah ee adag iyo xitaa howl maalmeedyada sahlan.

Caadiyan maskaxdaadu waxay cufka jirkaaga ka tahay 2% oo qura, balse waxay liqdaa 20% ka mid tamarta cuntada aad cunto (calories), markaad cunto nafaqo leh cuntaba waxaa afaysmaysa maskaxdaada.

Waxaan haddaba idiin haynaa 10-ka cunto ee sare u qaadi karta awoodda maskaxdaada isla markaana wanaajin kara xusuustaada:

1 – Noocyada digirta – Waxay cunnooyinkan oo ay ku jiraan digirta iwm ay qani ku yihiin macaadin, fitamiinno gaar ah iyo kaarbo haydarayt isku dhis ah oo muhim ah, waxay sidoo kale leeyihiin miiqyo (viber) tartiibiya dheef-shiidka taasoo qofka ka caawinaysa inuusan u baahan qaadashada sonkor badan marka uu baahdo. Waxaa kale oo ku jira Vitamin-B-ga oo muhim u ah shaqooyinka maskaxda.

2 – Mint – Caleenta Mint-ga waxaa ka buuxa Vitamin-A iyo C. Vitamin-A wuxuu qofka ka caawiyaa dhanka xusuusta iyo waxbarashada, halka C-gu uu ka hortago daciifidda garaadka qofka. Waxay fitamiinnadani xitaa qofka ka caawiyaa xirfadaha la qabsiga lagu sameeyo sida teeb garaaca.

3 – Broccoli – Wuxuu aad ugu fiican yahay xusuusta maskaxda iyo awoodaha ay u leedahay xallinta umuuraha cakiran. Waxaa ka buuxa macaadinta Calcium, Potasium, Vitamin-C, Bir, Miiqyo iyo Vitamin-K. Nafaqooyinkani waxay qofka ka ilaaliyaan xididshayaasha daysan (free radicals), iyagoo gacan ka qaata qulqul iyo wareeg wanaagsan oo uu dhiiggu sameeyo. Macdanta Potasium waxay caawisaa xarkaha dareenka sida ee maskaxda ku tiftaafan.

Daraasaad la sameeyey ayaa sidoo kale lagu ogaadey in Boroccoli-gu uu maskaxda ka caawiyo inay raysato, marka dhaawac ku dhoco. Nacfigu kuma eka oo qura khudaarta Broccoli, balse waxaa sidoo kale laga heli karaa dhamaanba qoyska la isku yiraahdo cruciferous sida:

  • Arugula
  • Bok choy
  • Broccoli
  • Brussels sprouts
  • Cabbage
  • Cauliflower
  • Collard greens

Fresh broccoli isolated on white background

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media