5 QODOB oo ay ku caddahay in ay Madaxtooyadu ku khaldan tahay muranka diblomaasiyadeed ee ay kula jirto Kenya

0

(Hadalsame) 11 Maajo 2021 – Marka hore waa inaan horta meel saarnaa arrinta Dacwadda Badda oo ahayd mid soo taagnayd muddo 12 sanadood ah inaysan shuqul ku lahayn murannada haatan ka dhexeeya DF Somalia ee waqtigu ka dhamaaday iyo Kenya, sida ay Madaxtooyaduba sheegtay.

Deeto tillaabooyin kale oo la qaaday inay keentay inay Kenya maanta Somalia ka qaniinto meel aad u xanuujinaysa oo ah joojinta duullimaadyadii ka imanayey Somalia oo sidoo kale saamayn doona duullimaadyadii Somalia u kala gooshayey oo Kenya laga leeyahay iyana.

Intaas kaddib waxaannu dul istaagaynaa inta qodob ee ay ku khaldan tahay diblomaasiyadda dugsiga hoose ah ee ay beryihii dambe dabakhaysey Madaxtooyadu:

1 – Haddii sida ay Madaxtooyadu sheegtay aanay arrinta baddu ka mid ahayn waxyaabaha lagala hadlayo Kenya, maba jirto baahi keenaysa inaan Kenya ku ad-adkaanno oo muran diblomaasi ah ula galno marka horeba.

2 – Maalintii ay XF sheegtay in xiriirka lasoo celinayo, waxay sababta ku sheegeen in ay dhinacyadu ku heshiiyeen in xiriirka la wanaajiyo taasoo ay Kenya soo dhoweysey. Tillaabada xigtaa waxay ahayd in la wada fariisto oo la wada hadlo, balse intaaba ma sugine Madaxtooyadu waxay soo saartay warqad kale oo wiifto ah oo ay ku sheegayso in aan ”Jaadku ku jiri doonin” waxa la furayo. Shalayna waxay markale diiddey Ergaygii reer Ghana iyadoo ku cillaynaysa inuu Kenya xiriir la leeyahay. Waxaa halkaa ka ratibmaysa laba arrimood:

a) Haddii ay tahay in laga hadlo xiriir Kenya waa in Jaadka lasii daayaa, haddiiba waxa ay Somalia ku doodaysaa aysan ahayn Jaadkii oo dhan baan joojinney, waayo dunida meel ay ka shaqayso ma jirto xiriir baan leennahay sabab aan qiil lahaynna waxaan u hakinayaa fursadda qura ee uu dalkaagu igu leeyahay. Dabcan Jaadka Kenya waxaa loo camcaminayaa si loo naas nuujiyo ganacsato cusub oo loo xirey suuqa Itoobiya waa qiso kale oo fadeexad ah, musuq iyo nin tooxsi.

b) Maadaama ay Madaxtooyadu sheegtay in sababta xiriirka loosoo celinayaa ay tahay in la iska gartay inaan la is faragelin, sidee ugu yeerin karnaa Kenya ciddii xiriir la yeelanaysa, haddii aan annagu iyaga xiriir la leenahay se sidee u diidaynaa ciddii kale ee iyada xiriir la sii leh ama yeelanaysa? Halkaa waxaa ka muuqanaysa in qaab is dar dar ah lagu diidayo Ergayga AU.

3 – Diblomaasiyadda Madaxtooyadu kuma soconin tiiro la qiyaasi karo ridadeeda, waxaana laga garan karaa sida deg degta ahayd ee markii horeba loo jaray xiriirka Kenya, sidii loo maagay Jabuuti iyo Congo oo iyada lagu haystey inay ”faqri tahay”, cajiib!

4 – Xilligan oo kale maba aha inay Madaxtooyadu oogto muranno diblomaasiyadeed laba sababood dartood:

a) Ma haysato sharciyad oo waqtigii ayaa ka dhamaaday dalkuna wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah oo ay tahay in gudaha diiradda la saaro.

b) Waxaa muhim ah in lagu mashquulo arrimaha cakiran ee doorashada oo tamarta iyo maskaxdaba loo duwo sidii loo qaban lahaa doorasho xalaal ah sidii lagu heshiiyey ee ma aha in xilligan la keeno shilal diblomaasiyadeed.

5 – Ugu dambayn, haddii hoggaanka Madaxtooyadu uusan keeni karin wax dheeraad ah oo ay umaddu u aaydo, waa khalad iyo jarriimo wayn in intii u samaysnayd laga kala dhantaalo oo umadda la kadeedo.

Dabcan in Kenya lala gorgortamo oo wixii loo wada jeedo oo khalad ah lagu diido waa wax la garan karo, balse in xiriir dal loo adeegsado gorgortan shakhsi iyo dano gaar ah oo ku saabsan kursi iwm, waa mid ka hooseeysa sida loogu macaamilo madlaha diblomaasiyadeed ee caalamka.

Waxani siyaasad iyo diblomaasiyad toona ma aha ee umadda hallaga xishoodo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media