Warbixin ku saabsan xogihii ugu dambeeyey ee bilashada bisha Shawaal (Dalal Muslim ah & kuwa kale oo hadlay)

0

(Hadalsame) 11 Maajo 2021 – Waxaa maanta ay dadku inta nadan sooman yihiin 29 maalmood, haddaba waxaa la isku hayaa maalinta ay Ciidu ku beegmayso oo noqon karta berri ama saadambe.

Weli ma jirto meel laga arkay bisha Shawaal oo ah midda 10-aad ee Shin-tiriska Hijriga, iyadoo ay Maxkamadda Sare ee Sucuudigu ay dadka ka adeejisey inay soo sheegaan haddii ay bil arkaan.

Yeelkeede, Jamciyadda Arrimaha Falagga ee Jeddah Astronomical Association ayaa sheegtay inay u badan tahay in bisha Shawaal la arki kari doono 12-ka Maajo oo berri ku beegan, taasoo ciidda ka dhigaysa 13-ka Maajo.

Webka Timeanddate.com, ayaa isna saadinaya in bisha cusub UK laga arki kari doono caawa marka ay aminta UK tahay 7.59pm.

Yeelkeede, Xafiiska Jamciyadda Falagga ee UK ee HM Nautical Almanac Office ayaa sheegay im bisha la arki kari doono 12-ka Maajo oo berri ku beegan, markaasoo si wayn looga arki karo Bariga Dhexe iyo meelo kale.

Sidoo kale Australia iyo Indonesia oo dunida u xiga dhanka bari ayaan wax bil ah sheegin.

Dalka kale ee Muslimka ah ee Malaysia ayaan isna bil sheegin, halka Imaaraadka iyo dalal kale oo Khaliiji ihi ay bisha raadinayaan.

Somalia iyada weli lama hayo xog rasmi ah oo sheegaysa in bishii la arkay.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments