Turkiga oo markii ugu horreeyey sameeyey markab dagaal oo aan cidna wadin kaasoo ridi kara gantaal ridda dheer + Sawirro

0

(Ankara) 09 Maajo 2021 – Markab dagaal oo aan cidina wadin (SIDA) oo ay samaysay shirkadda Turkiga ah ee Ares Shipyard oo kaashanaysa mid kale oo Ankara-deggan oo la yiraahdo Meteksan Defense Industry Inc. oo ay ka wada shaqeeyeen barnaamij la yiraahdo ULAQ ayaa diyaar u ah inay gantaallo riddo.

Noocii sambalka ahaa ee markabkan uu markii ugu horreeyey uu Turkigu sameeyey ayaa Antalya lagu soo bandhigay 3 sanadood kahor balse haatan waxaa loo dhisay si buuxda.

SIDA waxay gaari kartaa 400 km (249 mayl) iyo xawaare dhan 65 km/saacaddii, iyadoo adeegsata isgaarsiin loo sameeyey baaqyo maxalli ah iyo arag habeen iyo maalin ah.

Waxay awood u leedahay basaas iyo xog ururin, iyadoo sidoo kale leh muuqaallo u saamaxaya in laga hago meel aad u fog, balse waxay sidoo kale sidataa gantaalaha riddada fog ee taangiga dila ee ay samaysay shirkadda Turkiga ah ee Roketsan.

Utku Alanç, Agaasimaha Guud ee Ares Shipyard, ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in markabka SIDA uu si buuxda diyaar ugu yahay inuu howlgalo, kaddib markii tijaabooyinkii la qaaday lagu guulaystey, iyadoo ay hartay in gantaallo laga rido maalmaha soo aaddan.

Alanç ayaa intaa raaciyey in hubkan marka hore la siin doono Ciidamada Turkiga, balse sidoo kale laga iibin doono ama la siin doono dalalka saaxiibbada iyo ologga la ah Turkiga, marka ay rukhsad bixiso Wasaaradda Gaashaandhiggu.

”Waxaan sanadkii soo saari karnaa 50 xabbo oo ah markabkan is wada oo diyaar ah.” ayuu yiri.

Hadalsame Media