Gantaalkii jahawareersanaa oo ku dhacay Galbeedka Maldives (Maxaa lagu sameeyey markii uu jawiga soo galay?)

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2021 – Haraaga gantaalkii jahawareeray ee Shiinaha ee dhulka kusoo socdey ayaa ugu dambayn ku dhacay meel ka tirsan Badwaynta Hindiya

Gantaalka ayaa la sheegay in la burburiyey markii uu dib usoo galay jawiga dhulka, balse haraagiisii ayaa ku daatay meel ku beegan galbeedka gasiiradda Maldives kaddib markii uu soo dul maray Sucuudiga Carbeed, sida ay faafisay saxaafadda Dowladda Shiinuhu.

Arrintan ayaa soo afjaraysa cabsi muddo maalmo ah taagnayd oo ku saabsanayd walaac ay dadku ka qaadeen gantaalka, kaasoo ay Maraykanku sheegeen inuu ku dhici karo meelo ay dadku ku badan yihiin, waloow uu Shiinuhu ku adkaysanayey inay halistu yar tahay.

Gantaalka Long March-5b ayaa jawiga dhulka soo galay 10:24 aminta Beijing (aminta 02:24 GMT) maanta oo Axad ah.

Firirka gantaalkan oo 22-tan ahaa, taasoo ka dhigaysa wixii ugu cuslaa ee dhulka kusoo dhaca isagoo aan ku socon hagid caadi ah, ayaa ku dhacay Badwaynta Hindiya, gaar ahaan xagasha 72.47° Bari iyo 2.65° Woqooyi.

Hadalsame Media