Sida ay u sahlan tahay in dadka loogu soo gabbado diinta, wadaniyadda & tolnimada

0

(Hadalsame Media) 09 Maajo 2021 – Sannadkii 535-kii Hijriga ayaa waxaa Baqdaad yimi nin sheeganaya inuu yahay awliyo. Maalmo markuu joogay ayaa waxaa dhintay wiil yar. Ninkii awliyada sheegtay ayaa meydkii wiilka soo saaray oo meel kale ku aastay.

Dadkii ayuu u sheegay inuu xalay riyo ku arkay Cumar bin Khadaab iyo Cali bin Abii Daalib oo ay u sheegeen in wiil uu dhalay Cali uu ku aasan yahay halkaas (meeshii uu ku aastay wiilka). Dadkii ayaa meeshii ku yaacay oo wiilkii arkay oo kafantiisii iyo ciiddii kala boobay si ay u barakystaan. Madaxdii magaalada ayaa timi oo meeshii waxaa lagu shubay cadar udgoon iyo biyaha wardada (rose water).

Ninkii ayaa dadkii isku ciriiryeen si ay gacantiisa u dhunkadaan oo u barakaystaan. Isaguna dadka waa ka cararayey isagoo oohin iyo khushuuc isku daraya. Intaas meydkii wuxuu yaal bannaan ilaa uu jirkii isbedelay. Dad xoogaa aqoon ah leh ayaa ka shakiyey oo arrintii ka hadlay. Maalmo ka dib ayaa meeshii waxaa yimi wiilka meydka ah aabihiis oo sheegay inuu yahay wiilkiisii oo uu maalin dhaweyd ku aasay meel kale. Meeshi ayuu dadkii geeyey oo tusay qabrigii oo aan meyd ku jirin.

Ninkii awliyada sheegtay markuu sheekadii maqlay waa cararay. Waa la soo qabtay. Wuu qirtay inuu doonayey inuu magac ku samaysto. Waxaa ciqaabkiisa ka mid ahaa in la saaray dameer oo magaalada lagu soo wareejiyey si dadku u arkaan wejigiisa oo aanu mar dambe dad u khiyaamin.

Sheekooyinkan waa badan yihiin. Nin Suudaani ah ayaa ii sheegay in 80aadkii gobolka Sinnaar uu yimi nin Nayjeeriyaan ah oo sheegtay inuu yahay ‘Alhaji Faqih’. Wuxuu muujistay weji cibaado wuxuuna sheegtay inuu karaamo leeyahay. Inuu masjid weyn dhiso in la soo faray ayuu sheegay. Bangiyadii iyo tujaartii ayuu deyn culus ka wada qaaday dhawr naagoodna waa guursaday. Dadkana waa ku tufi jirey. Subax dambe ayaa la waayey. Xataa magaciisa runta ah lama aqoon.

Wax walba oo dadku qiimeeyaan, waxaa jira dad kale oo qorsheeya inay ku qaraabtaan. Diinta, waddaniyadda iyo tolnimada ayaa ah tusaaleyaal si sahlan loogu danaysan karo.

(Ninka awliyada sheegtay waxaan ka soo xigtay kitaabka Almuntadam fii Taariikhil Muluuki wal Umam, ee uu qoray Abul Faraj Ibn Jawzi.)

***naqtiin***

Waxaa Diyaariyey: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media