Weerarrada Booliiska Israel ee Masjidka Al Aqsaa oo sii kordhay (64 qof oo ku dhaawacmay & waxa xiisadda kiciyey)

0

(Quddus) 09 Maajo 2021 – Ugu yaraan 64 qofood ayaa ku dhaawacmay kaddib markii ay Booliiska Israel oo ku hubaysan rasaasta cinjirka ah iyo bambooyinka jabaqdu ay maqribka kaddib soo weerareen masaajidda Masjid Al-Qiblatain iyo midka Al Aqsaa, sida ay qortay Anadolu Agency.

Dadka ayaa isu soo ururay Maqrabkii kaddib iyagoo ku qalinaya “Waxaan la wada jirnaa Sheikh Jarrah” kahor intaanay u dhaqaaqin irdaha Al-Aqsa ee Lion Gate iyo Bab Hutta Gate. Halkaas oo ay jamaacada ku sugayeen Booliiska Israel.

Sida ay sheegtay Bisha Cas ee Falastiin, dadka ku dhaawacmay rasaasta cinjirka ah ayaa ay qaar wax ka gaareen madaxa, qaar lugaha, qaar gacmaha, waxaa sidoo kale dhacday in qof haweenay ah oo ay afka ka haleeshay ay wax ka noqotay ilaa qalka.

Xaaladda ayaa degtey saacad iyo bar kaddib, iyadoo ay Booliisku xir xireen dhallinyaro badan.

Maxaa la isku hayaa? Dadka Falastiiniyiinta ah ee reer Quddus ayaa beryahan ka dhiidhinayey go’aan kasoo baxay Israel iyagoo hiillo u muujinaya Xaafadda Sheikh Jarrah.

Sabab? Dibedbaxyada ayaa bilowday kaddib markii ay Maxkamadda Dhexe ee Bariga Quddus ay soo saartay go’aan qoysas Falastiini ah looga saarayo guryo ay leeyihiin si loo siiyo dad Yuhuud ah, bilowgii sanadkan. Taasoo keentay inay dadku isku urursadaan Masjidka Al Aqsaa.

Israel ayaa qabsatay Bariga Quddus oo uu ku yaalla Masjidka Al-Aqsaa oo ay aaminsan yihiin in laga dul dhisay laba macbad oo Yuhuudeed, 1967-kii Dagaalkii iyaga iyo Carabta, iyagoo 1980-kii sheegay inay gebi ahaanba iyagu xukun ahaan la wareegeen magaalada taasoo aysan aqoonsanayn beesha caalamku.

Hadalsame Media