Kooxda Qayladhaan ma qabataa eedda loo qaddimey iyo in qabyaalad lagu tuhmo? (Bal akhri warbixintan)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2021 – Waligii Madaxweyne Soomaaliyeed kama hor iman intaan aqaannay, Sheekh Shariif waa kii u heesayay ee taagerayay, Xasan Sheekh Maxamuud wakhtigiisiina Xuseen waa kii London ka dhoofay ee Muqdisho tagay, waa isagii dhawrka usbuuc ciidamada Soomaaliya ee Al-shabaab dagaalka kula jira la socday waa isagii guubaabinayay ee dhiirrigelinayay una heesayay.

Walaalayaaloow Ilaahay baan idinku dhaariyee Farmaajo waa tan lagu colaadinayee, ma u heesay mise waa usoo dhoofay sidii Xasan Sheekh Maxamuud? Miyuu ku biiray oo ciidamada jooga maanta guubaabiyay? Xillima ayuu qabyaaliga noqday? Ma maadaama uu qaaday hees uu qoray wiil reer Muqdisho ah baa? Mise waa maadaama uu la qaaday fannaan reer Muqdisho ah? Maxay tahay sababta qofkii erayada sameeyey iyo kii la qaaday iyagu aanay eed u lahayn ee kaligii qabyaaliga u yahay?

Midda kale heesta uu qoray wiil dhalinyaro ah oo reer Muqdisho ah oo leh ”Adeer qoriga ha ii dhiibin” maxaa ka khaldan? Xuseen se Ma maadama uu dareenkii inanka soo bandhigay uu baahiyay ayuu ku noqonayaa qabyaali?

Xuseen wali isagoo wax aan Soomaaliya ahayn ka heesaya miyaad aragteen? Isagoo Calan aan kan Soomaaliya ahayn u heesaya miyaad aragteen? Isagoo cadaw aan Al-shabaab ahayn u weeraraya miyaad aragteen? Waa maya.

Waxay dad badan ku doodayaan, wakhtigii Xasan Sheekh waa uu ka heesi jiray qaraxyada dhaca ee muxuu hadda uga heesi waayay?

Taasi ma qabyaalad baa? Hortu Xuseen iyo Qaylo-dhaan, haddii ay qaraxyada Al-shabaab gaystaan ka heesi jireen oo ay heeso ku weerari jireen Al-shabaab, macnaheedu ma aha in ay dowladda Xasan Sheekh Mucaarad ku ahaayeen. Marka uu Xuseen heesaha uu ku weerarayo Al-shabaab, dowladdu ku guubaabinaysay ciidanka qaranka, markii ay dowladdu Xuseen ku lahayd ciidamada u qaad heesaha Al-shabaab aad u qaadday? saw ma muujinayso in Xuseen dowladdii Xasan Sheekh la shaqaynayay oo dadwaynaha tusayay dhibaatada kuwa ku haya in ay Al-shabaab yihiin, dowladda iyo calankana la garab galo.

Ma ogtahay se in Xuseen qaraxa iyo Soobe kahor iyo kadib ba uu Dhakhtar ku hayay sanado walaalkii Jooqle oo aad sida la ogyahay aad u xanuunsanaa.

Ma ogtahay se in xanuunka Jooqle in uu kooxda waxyeelleeyey, kooxdii wada joogin, Aamina Kuluc xanuunsatay, qaarka baxeen fankaba, islamarkaana mashiinkoodii Jooqlena sariir saarnaa muddo aad u dheer.

Haddii se Xuseen taageersanaa Sheekh Shariif, oo uu taageersanaa Xasan Sheekh, maxaa u diidaya in uu Farmaajo taageero? Ma khasab baa in qabyaalad loo arko? Sababta Madaxweyneyaal Soomaaliyeed oo uu wada taageeray mid kamida uu dembiile ugu noqonayo maxay tahay? ma caddaalad baa?

Xuseen anigu aqoon dheer ayaan u leeyahay, waxaan qirayaa in uu yahay halyey Soomaali oo waddani ah, isaga iyo kooxdiisii Qaylo-dhaanna in ay dagaal jihaad ah la galeen Al-shabaab oo ay bartilmaameed u yihiin waa la ogyahay.

Ma istaahilo waana wax laga yaqyaqsado in Xuseen lagu raadiyo caanimo iyo shilimaad lagaga helo Youtube IWM.

Ilaahay halaga baqo.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media