DAAWO: Dadwaynaha Turkiga oo mar qura cabsi dareemay kaddib markii ay cirka ka muuqdeen wax ay fahmi waayeen (Waa maxay?)

0

(Ankara) 08 Maajo 2021 – Dad badan oo Turkish ah ayaa Twitter-ka ku wadaagey sawirro iyo muuqaallo ku saabsan dayax-gacmeedyada Starlink xilli ay dalkooda dul marayeen.

Waxay ahayd Khamiistii markii ay walxo raxan ah oo duulaya ay ifiyeen cirka Turkiga, taasoo keentay inay dadkii ku baraarugey duubitaan iyo sawiraad ku bilaabaan, si bal loo ogaado waxa ay yihiin.

Qaar baa xitaa keenay aragti ah in cirka sare ay uga soo duuleen waxa loo yaqaanno Suxuunta Duusha oo ah makhluuq mala awaal ah.

Halka aya qaar kale moodeen gantaalka jawawareersan ee Shiinuhu leeyahay oo la sheegay inuu dhulka kusoo dhici doono.

Yeelkeede, waxaas oo dhan ma ahane waa sharikad uu sameeyey Elon Musk oo la yiraahdo SpaceX, taasoo wadda tijaabinta dayac-gacmeedyo yar yar oo raxan raxan ah oo la yiraahdo Starlink, kuwaasoo dunida siinaya internet ku shaqeeya hannaanka broadband.

Halkan hoose ka daawo ama ka akhri falcelinta dadwaynaha Turkiga…

Hadalsame Media

Facebook Comments