Maxaadan ogayn oo Muqdisho ka socda? (Maxaan meesha kusoo arkay?)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2021 – MUQDISHO IYO WAXAAN KU SOO ARKAY?

Inkastoo dhaqaalahu yahay mid liita hadana nolosha guud waa mid qaneeca ka muuqato dadku sida badan waa danyar qafkii $1 hal doolar maalinti soo gasho baahi kama wel welayo, waxaa jira maqaaxiyo kobka shaaha $5 doolar la gado,kuwa kalana waxaa la gadaa wax ka yar, $0.10 (toban sinti).

Muqdisho amaanku wuxuu ahaa mid sugan la is kuna haleyn karo intaan arkayay, oo anigaba 12:00 lixsaac habeenimo baan liido intaan ka soo lugeeyay Ayaan is goyska dabka ee degmada waabari ku imid.

Waxaase laga yaabaa meelaha qaar iney ka duwantahay meeshan anigu deganaa xaga amniga. Waxaad dareemeysaa hawo aad u fiican. Waa kuleyl mar walba, waadna dhidideysaa, maalintiina ugu yaraan 3 ama 4 mar waad qubeysaneysaa.

Cuntadu waa nadiif cunitaan keeda waad ku raaxeysanee, markii la gaaro wakhtiyada salaada waxaa is qabsanaya sawaxanka Aadaanka kaas oo qalbigaada iyo dhegahaada ka dhigaya kuwa soo noolaaday.

Si guud waxaad dareemeysaa sacaado iyo deganaasho waxaadna la caweyneysaa asaxaab aad muda kala maqneedeen adigoo baranaya kuwa hor leh, kuguna faraxsan iney ku bartaan taa soo dhiiri gelin kuu ah.

Hoteellada magaalada ku yaal qaarkood markaad gudaha u soo gasho waa kuwa qurux badan bilicsan weliba ka qurxoon hoteelada dunida hor maray ku yaala, si walba oo ay daruufi uga muuqato hadana weli maanan arag macaanta iyo neecawda aadan ka dhergeyn ee XEEBTA LIIDO oo kale.

F.G: Qoraalkaani waa qaybta wanaagga waxaan soo arkay, waxaana jiri doona qayba kale.

Qore: AA Kaar

Hadalsame Media