Qadar oo durba dan istaraatiji ah ku fushatey xiriirka soo noqday ee Somalia & Kenya

0

(Dooxa) 06 Maajo 2021 – Amiirka Qadar, Tamim bin Hamad al Thani ayaa war kasoo saaray xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Somalia maanta sheegtay in dib loosoo celiyey kaddib markii ay Kenya u jartay.

Amiirka ayaa bilowgiiba u hambalyeeyey Madaxda Somalia iyo Kenya ee Farmaajo iyo Kenyatta sida ay u kala horreeyaan, kuwaasoo uu uga mahad celiyey xiriirka diblomaasiga ah ee ay soo ceshadeen, taasoo uu dabcan gacan wayn ku leeyahay.

Wuxuu deeto kaddib markii uu labada shacab ee deriska ah xasillooni iyo nabad u rajeeyey uu sii daba dhigay sadar weji raadin ah oo ay isku nadiifinayso Qadar oo haatan kasoo waaqsatay go’doon la geliyey kaddib markii ay 4 dal oo Carbeed ku eedeeyeen inay ”taageerto argagixisada.”

”Qadar waxay had iyo goor ku socotaa jidka khayrka iyo samaynta nabadda.” ayuu soo qoray Amiirka oo muujinaya in uu arrintan uga faa’iidaystey dib u dhiska muuqaalka la tuhunsan yahay ee Qadar.

Hadalsame Media