Kenya oo kasoo jawaabtey xiriir soo celinta Somalia (Maqaamka Falastiin oo ay siisay)

0

(Nairobi) 06 Maajo 2021 – Wasaarad Dibadeedka Dowladda Kenya ayaa War Saxaafadeed ay uga jawaabayso xiriirka ay maanta soo celisey DF Somalia kaddib muddo 6 bilood ah uga soo jawaabtey si saluug ka muuqdo.

Kenya ayaa waxaa hadalkeeda ka muuqda inaysan marna nidaamka hadda jira u aqoonsanayn mid haysata sharciyaddii Dowladda Dhexe, iyadoo ku celcelisey suldada Soomaaliyeed, halkii ay awal ka adeegsan jirtey DF Somalia.

Waxaa kale oo warkeeda ka muuqata in aanay diyaar u ahayn inay Madaxtooyada Kenya ay la macaamisho midda Somalia iyadoo howsha dhan u xil saartay Wasaarad Dibadeedkeeda oo iyaduna la macaamilaysa wax lagu sheegay ”Suldada Soomaaliyeed”, taasoo u dhiganta sida midda Falastiin oo ah dal aan lahayn Dowlad rasmi ah.

Kenya ayaa soo celinta xiriirka labada dal ugu dambayn abaal uga muujisay dalka yar ee Qadar oo todobaadkan dhoollatus siyaasadeed ka sameeyey Somalia iyo Kenya.

Erayga ay ku celceliyeen ee authorities ayaa caadiyan loo adeegsadaa suldo maqaam hoose joogta ama Wasaarad, Wakaalad iyo hay’ad kale oo dowlad hoos tagta sida Booliiska iwm.

Arrintan ayay dad badan aaminsan yihiin inay keentay xeelad xumo diblomaasiyadeed iyo go’aamo jug-jilibeed ah oo mar qur ah lala boodey, iyadoo uu bilihii dambe aad u xumaaday bandhigga diblomaasiyadeed ee dalka, tan iyo bedelkii Wasiirkii Hore ee Dibedda dalka Md Ciise Cawad.

Hadalsame Media