Xiriir soo celinta Somalia-Kenya oo la sheegay inay ku jirto arrinta baddu (Danta aadan ogayn ee Qadar kala dhexeysa Kenya)

0

(Nairobi) 07 Maajo 2021 – DF Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday inay si rasmi ah dib ugu soo celisey xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay jartay 6 bilood kahor, taasoo ay Kenya oo woxoogaa is macnaynaysaa ay soo dhoweysey isla shalay.

Haddaba, waxaa soo baxaya doodo ku aaddan in Qadar oo heshiiskan ka shaqaysay ay wadato ajende qaran oo aan Somalia u danaynayn, maadaama ay dano ku leedahay baloogyada ay Kenya sheeganayso ee Somalia ka tirsan.

Tan kale, heshiiskan ayaa lagu sheegay mid kaliya ku eg soo celinta xiriirkii caadiga ahaa ee diblomaasiyadeed, ganacsi, bulsho iyo isu socod, balse waxaa soo duul duulaya warar sheegaya in ay meesha ku jirto in ka badan inta ay ishu ku dhacayso.

Dr Andreas Krieg oo ah caalim Ingiriis ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Kings College ee London ayaa horay u sheegay in Qadar ay waddo door ay ugu kala dab qaadday labada dal si ”muranka badda” looga gaaro xal ka baxsan Maxkamadda ICJ ee haatan ka garnaqaysa.

DANTA QADAR UGA JIRTA BALOOGYADA AY KENYA SHEEGANAYSO

Qadar ayaa saamiyaal ku leh sharikaadka shidaalka baara ee ENI (Ex AGIP) ee dalka Talyaaniga iyo Total oo laga leeyahay Faransiiska, kuwaasoo ah sharikaadka ay Kenya shatiga u siisay inay sahmiyaan saliidda ku jirta baloogyada ay Kenya sheeganayso, iyagoo weliba howsha wadey balse joojiyey markii ay Somalia dacwadda bilowday.

Waxay sidoo kale shirkadahan kula jirtaa heshiis wada shaqayneed iyadoo qayb ku leh howlaha ay ka qabtaan meelo kale oo caalamka ka mid ah sida Mexico, Ivory Coast iyo meelo kale.

Kenya ayaan qarinin inay iyada oo ka faa’iidaysanaysa galaangalkeeda caalamiga ah oo ay haatan uga sed roon tahay Somalia oo ah dal kala daadsan oo aan lahayn siyaasad fadhida oo midaysan, ay ku dadaali doonto inay xeer-jajab wax ku hesho.

Qatar reaches an agreement with the French company Total to exploit two oil blocks in Côte d’Ivoire

Qatar Petroleum signs deal on three Kenyan offshore blocks

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media