XOG: Kaddib ajiibiddii Jubaland maxaa laga filayaa Maamul-goboleedyada kale? (Ma imanayaan shirka?)

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2021 – Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqday inay ka qeybgeli doonaan shirka uu iclaamiyay Rai’sul Rasaaraha XF ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeeray Madaxda Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 k?a bisha” Ayuu yiri Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Adan, oo BBC u warramay.

Hadaba maxaa laga filayaa Maamullada kale?

Sida aannu kasoo xiganney ilo war gal ah oo ka tirsan mucaaradka oo la hadlay  Hadalsame Media, Maamullada kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna ajiibaan casuumaadda RW Rooble.

“Waxaan dhihi karaa 90% waan hubaa inay kasoo qayb gelayaan shirka. Wixii dood ahna shirka ayaa lagu soo bandhigayaa insha Alle.” Ayuu yiri siyaasiga la hadlay Hadalsame.

Arrintan ayaa haddii ay rumowdo noqon doonto hal tillaabo oo togan oo loo qaaday dhanka wanaagsan kaddib beryo hubaal la’aan ah.

Hadalsame Media