Maamulka Jubaland oo si buuxda uga qayb gelaya shirka uu iclaamiyey RW Rooble (Dhegeyso)

0

(Kismaayo) 03 Maajo 2021 – Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaqday inay ka qeybgeli doonaan shirka uu iclaamiyay Rai’sul Rasaaraha XF ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu 20-ka bisha isugu yeeray Madaxda Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Adan, ayaa BBC u sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana ay danta shacabka Soomaaliyeed la eego isla markaana Raii’sal Wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

“Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha” Ayuu yiri Aadan oo ku hadlayey lahjad ka dabacsan sidii hore.

Waxaa la waydiiyey inay ciidamo gaar ah la tegi doonaan maadaama ay horay u sheegeen inaysan isku hallayn karin amaanka DF, wuxuuna sheegay in markasta uu qofka madaxda ihi uu ilaalo wadan jirey oo taasi aanay ku xirrayn isku hallayn amaan.

Halkan ka dhegeyso…

Hadalsame Media