Midowga Yurub oo sheegay qaabka ugu wanaagsan ee ciidamada looga saari karo Muqdisho

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2021 – Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Nicolas Berlanga, ayaa war kasoo saaray shaqaaqada ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee haatan ay Madaxtooyadu ka laabatay, sida uu sheegay MW Farmaajo.

Danjire Berlanga ayaa soo jeediyey qaabka ugu wanaagsan ee Muqdisho looga saari karo ciidamada iska horjeeda ee aanay qaarkood hoos tegin Taliska Dhexe ee DF Somalia ee haatan ku sugan Muqdisho.

”In Muqdisho ciidamada laga saaro waa muhiimadda taagan haatan. Kuwa doonaya inay door togan ka ciyaaraan doorashada dalku waa inay taageeraan howlaha muhimka ah ee RW Rooble,” ayuu yiri Berlanga.

”Inay Muqdisho u qaybsanaato malliishiyaad iyo ciidamo amaan oo aan talis lahayn ma caawinayso dadka Soomaaliyeed.” ayuu daba dhigay Danjiruhu.

XF ayaan weli ku dhaqaaqin tillaabo xiisadda lagu dejinayo, iyadoo marka laga soo tago in loo baahan yahay in la saaro guddi farsamo, sidoo kale loo baahan yahay jawi kalsooni dhalin ah oo ka yimaada Madaxtooyada iyo kooxaha Mucaaradka.

Hadalsame Media