Kenya oo heshay fursad qaali ah oo si diblomaasiyadaysan uga aarsato Somalia oo iyadu isku mashquulsan (Warbixin)

0

(Nairobi) 03 Maajo Abriil 2021 – Kenya ayaa Somalia ku heshay fursad qaali ah oo ay dunida ku tusinayso inay iyadu tahay dal xasilloon oo la isku hallayn karo halka ay Somalia u sawirayso dal aan fadhiyin oo uu xukumayo hoggaan qaalin buub ah.

Kenya ayaa haatan is qarinaysa iyadoo inta badan diiddan inay si furan u wajahdo Somalia, balse waxay taa biddaalkeeda si firfircoon gadaal uga taagan tahay Golayaasha Amaanka QM iyo Midowga Afrika, iyadoo si wayn u diiddan siyaasadda nidaamka haatan jira.

Tusaale ahaan, Danjiraha UK ee dalka Somalia, Kate Foster ayaa ayaa maalin dhowayd Nairobi, gaar ahaan Xarunta Gaashaandhigga Kenya ee Ulinzi House, kula kulantay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma oo sidoo kale xilligii ay ahayd Wasiir Dibadeedka Kenya ay ahayd waqtigii ay cirka isku shareertay xiisada dibloomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya, kaddib markii la eryey Danjiraha Somalia.

”Waxaan soo dhoweeyey Danjire Kate Foster, Danjiraha UK ee Somalia oo igu soo booqatay Xafiiskayga Ulinzi House maanta,” ayay tiri Monica Juma.

Waxaa kasii horreeyey MW Kenya, Ahuru Kenyatta, oo telefoonka kula sheekaystay RW Britain, Boris Johnson, oo ay isla soo qaadeen xaaladda Somalia, iyagoo isla gartay inay isku aragti ka noqdaan madlaha ay haatan ku wada jiraan sida Golaha Amaanka QM, Suuqa Barwaaqo Sooran Commonwealth iwm, taasoo ah midda keentay in Danjire Foster ay Nairobi u safarto.

”Waxay iga xog-siisay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, waxaana markale u xaqiijinnay sida aannu u adkayn karno sida aannu jaalka ugu nahay xasillooni waarta oo ka hana qaadda Somalia.” ayay daba dhigtay.

”Waa tillaabo u wanaagsan Kenya, waayo waxay muujinaysaa xoogga iyo saamaynta ay Nairobi gobolka ku leedahay, gaar ahaan xilli ay Somalia qasan tahay.” ayuu yiri Prof Macharia Munene oo Taariikhda iyo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda USIU-Africa.

Kenya ayaa Somalia ku haysa faragelin gudeed iyadoo adeegsata siyaasiyiin ka tirsan dalka, iyadoo sidoo kale ku doodaysa inay iyadu leedahay dhul-badeed ballaaran oo ka tirsan Gobolka J. Hoose, iyadoo taageero ka heleeysa isla madaxda Maamul-goboleedka uu ka tirsan yahay dhulka ay sheeganayso, taasoo ah arrin nasiib darro ah.

Kenya ayaa sidoo kale la kulantay Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Anthony Blinken, kaasoo ay isla qaadeen umuuraha Somalia, waloow mar walba lagu af gobaadsanayo in laga hadlayey ”xasillooni kusoo dabaalisteeda”, misna Kenya waxay leedahay ajende qaran oo u gaar ah, xilli ay Somalia haatan ka taagan tahay siyaasad ku dhisan maangaabnimo, hiraal xumi iyo han hoose oo ay koow ka tahay Madaxtooyada dalka Somalia isla markaana ay qayb ka yihiin kooxaha kursi doonka ah ee mucaaradku.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media