Ujeedka ugu wayn ee loosoo diray wefdiga Qadar & arrin aysan haboonayn in lala soo qaado

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2021 – Beryahan waxaa dalka jooga oo siyaasiyiinta kala duwan la kulmaya wafdi sare oo Qatar ka yimi, waa soo dhowayneynaa, wexeyna muujineysaa in qatar garawsaneyso siyaasadeeda soomaaliya iney muraajoco u baahan tahay.

Dowladda Qatar waa dawlad aynu walaalo nahay, xiriir istraatiiji ah oo qarniya jirey naga dhexeeyo, iyada iyo dowladaha kale ee Khaliijka.

Siyaasiyiinta Soomaalidu yaaney noqon kuwo meel hoose ka hadla, sida waa lay cadaadiyey, waa lay xidhay, waa lay cabburiyey, (hebel) iyo (hebel) iwm., ee ha noqdaan kuwo qatar kala xaajaysta danihii istraatiijiga ahaa ee naga dhexeeyey xagee ku dambeeyeen?

Ma dawlad iyo dad soomaaliyeed oo jiri doona bey Qatar daneheeda ku xidhay, mise shakhsiyaad marna jooga marna taga bey ku xidhay? Dhawrkii sano ee la soo dhaafay mexey qatar mashaariic istraatiiji ah dalka iyo dadka soomaaliyeed u fulisey?

Halka ay cisbitaallo, garoomo caalami ah oo waaweyn ka dhistay dalal deris nala ah? Taageeradii soomaaliya isla garab taagtey xilligii cunaqabataynta qatar, mexey soomaaliya beddelkeeda heshay dal iyo dad iwm?

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media