Waa maxay ujeedka ugu wayn ee wefdiga Qadar (Muxuu yahay Qaxdaani?)

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2021 – Magaalada Muqdisho waxa maalintii labaad ku sugan wafdi uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qaxtaani.

kulankoodii ugu horeeyay galinkii hore ee maanta waxay xarunta madaxtooyada kula qaaateen madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdillahi Farmaajo.

Mr Mutlaq ayaa galinkii dambe ee maanta sidoo kale kulan la qaatay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Labaad dhinac ayaa waxay ka wadahadleen sida ay warbaahinta dowladda sheegtay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Caawana waxa la filayaa inay wafdigu la kulmaan hogaamiyayaasha mucaaradka.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Majed Al-Qahtani ayaa waxaa uu horey u booqday magaalada Hargeysa..

Waxaa uu halkaasi kula kulmay madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mutlaq Majed Al-Qaxtaani
Mutlaq Majed Al-Qaxtaani

Waa kumaa Mutlaq Majed Al-Qaxtaani?

Mutlaq Majed Al-Qaxtaani waa dublamaasi u dhashay dalka Qatar islamarkana muddo dheer ka shaqeynayay arrimaha dhexdhexaadinta.

Axmed Sh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faaalooda arrimaha Carabta ayaa sheegay in Mr Mutlaq uu yahay dublamaasi muddo dheer ka shaqeynayay arrinta dhexdhexaadinta Taliban iyo Mareykanka.

“Mutlaq Majed Al-Qaxtaani waa dublamaasi u dhashay qadar oo aad uga shaqeeyay wadahadalada Taliban iyo Mareykanka oo dhexedhexaadinayay muddadi ay sirta ahayd iyo intii ay muuqdeen wadhadalada 2020,” ayuu Mr Tiir,

Waxaa uu sidoo kale imika ku jiraa dhexdhexaadinta wadahadalada dowladda Afqanistaan iyo kooxda Taliban .

Mutlaq Majed Al-Qaxtaani imika waa Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Waxaa ku guuleystay sanaddii 2020 abaalmarinta dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan caalamka.

“Waxa hadda lagu magacaabaa oo ay Qaramada Midoobey siisay ninka ugu wanaagsan oo dhexdhexaadiyo dagaalo meelo ka socdo marka billadaas ayuu helay,” ayuu Mr Axmed Tiir.

Dhexdhexaadinta Qatar

Wefddiga Qadar ayaa tan iyo intii ay Muqdisho soo gaareen waxay kulamo la yeesheen madaxda sarsare ee dowladda islamarkana waxaa lagu wadaa in ay caawa madaxda mucaaradka la kulmaan.

Balse Dr Axmed Tiir ayaa rumeysan in xilligan aysan jirin cid la dhexdhexaadiyo dalka Soomaaliya islamarkana uu khilaafkii doorashada shalay soo afjarmay.

“24 saac oo shalay ah ayay ku dhammaatay mushaakilkii Somaaliya ka jiray markii uu baarlamaanka ka noqday marka hadda wax la dhexdhexaadiyo maba jiro mucaaradkii iyo xukuumadii waxay u wada jeedsteen doorasho in la qabto oo lagu heshiiyay,” ayuu yiri Mr Tiir.

Dowladda Qadar ayaa lagu tilmaamaa in ay galaangal wayn ku leedahay arrimaha dalka Soomaaliya.

Ahmiyada ay Qatar u leedahay Soomaaliya?

Soomaaliya ayaa la sheegaa inay ku taalo goob istaraatiji u ah caalamka .

Markii dowladaha khaliijka ay cunaqabateynta ku soo rogeen dalka yare ee Qatar ayaa waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay murankaasi.

Goobaha laga xiray Qatar waxaa ka mid ahayd hawada taasi oo ku qasabtay diyaaradda qadar Airways inay wareeg dheer gasho.

“Diyaaradda Qadar haddii aysan Somaaliya ahayn Afrika lugta ma soo saarteen oo dulimaadkeedii Afrika oo dhan ayaa go’i lahaa sababtoo ah meel ay soo marto ma lahayn anagu marka meeshaan ku naalno sidaa ayay muhiim u tahay,” ayuu yiri Dr Axmed Tiir.

Dr Axmed Tiir ayaa sheegay in markii Qadar cunaqabateynta ay ku soo rogeen dalalka khaliijka ay Soomaaliya u noqotay albaabka kali ah ee u furan.

“Markii ay cunaqabateynta ay saareen khaliijka, Soomaaliya waxay u noqotay albaabka kali ah ee dhanka hawada ee ay diyaaradaheeda mari kareen,” ayuu yiri Mr Axmed Tiir

Rai'sul wasaare Rooble iyo Mutlaq Majed Al-Qaxtaani
Rai’sul wasaare Rooble iyo Mutlaq Majed Al-Qaxtaani

Maxaa xilligan ku soo beegay booqashada Mutlaq?

Booqashadaha Mutlaq Majed Al-Qaxtaani ergayga dalka Qadar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo doorasho silamarkana waxaa hannaanka doorashadan ka dhashay muran badan.

Dowladdaha Carabta gaar ahaan kuwa khaliijka ayaa la sheegaa in muddooyiinkii u dambeeyay ay aad ugu lug lahaayeen doorashooyiinka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Dowladda Qadar ayaa sida ay sheegeen dadka faaqida siyaasadda waxay doonaysaa inay xiisadda dajiso si ay danaheeda u ilaaliso.

Dr Axmed Sheekh Maxamed Axmed Tiir oo ka faalooda arrimaha Carabta ayaa rumeysan in Qadar aysan xilligan dan ugu jirin in ay arrinta faraha ka sii baxdo.

“In aysan iyaga iyo anagaba dan inoo ahayn in arrinta ay faraha ka sii baxdo marka in ay arrintaa ka hadlaan,” ayuu yiri Dr Ahmed Tiir.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Qadar ay sidoo kale doonayso inay kalsooni ka raadiyaan hogaamiyayaasha mucaaradka .

“Iyaga oo aan ka hadlin mudda kordhintii oo xitaa aan dhihin wuu qaldanaa inay mucaaradka kala hadlaan ama ay ku qanciyaan in dhinac dowlada aysan kaalmeynayn ama ay ku qanciyaan arrintaa, ayuu intaa ku daray.

Dowladda Qadar oo ka mid ah dowladaha khaliijka ayaa waxaa dadka u kuurgala ay ku tilmaameen in galangal badan ay ku leedahay dalal badan oo caalamka ah.

Xigasho: BBC Somali

Hadalsame Media