Afar umuurood oo ku xallismaysa go’aanka MW Farmaajo & mid ugu mudan oo weli isaga u XAYIRAN!

0

(Muqdisho) 03 Maajo 2021 – Wasiirkii hore ee Qorsheynta DF Somalia, Cabdiraxmaan Caynte, ayaa qoraal ka sameeyey tillaabadii uu qaaday MW Farmaajo oo Sabtigii sheegay inuu ka laabtay muddo kororsigii muranka dhaliyey, isla markaana uu ku ballan qaaday qabashada doorashada qaranka.

Caynte ayaa qoraalkiisa kusoo qaaday ilaa 4 qodob oo sabab u noqday ka noqoshada go’aankaas iyo in aysan howshu kamilnayn inta laga helayo qoraal rasmi ah oo saxiixan oo kasoo baxa isla mudane Farmaajo.

Hoos ka akhri qoraalka:

1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho

2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka kalitalisnimada

3. In laga baaqsaday colaad dhibaato weyn u geysan laheyd dalka iyo dadka

4. In hannaankii dimoqraadiga ahaa ee dalku ku socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay dib loogu laaban doono, xoogaaga dhaawaca ah ee soo gaarayna la dhayi doono.

Si kastaba, Caynta ayaa yiri ” Waxaas oo dhan waa haddii uu mudane Farmaajo saxiixo warqad uu si rasmi ah ugu wareejinayo masuuliyadda amniga iyo midda doorashada R/Wasaare Rooble.”

Hadalsame Media