Warqad furan oo ku saabsan arrin aad muhim u ah oo ku socota RW Rooble

0

(Muqdisho) 02 Maajo 2021 – Mudane Raysulwasaare, ardayda Soomaaliyeed ee ka baxda jaamacadaha dalka waxay waxbarasho Master iyo PhD u aadi kareen dalka Turkiya. Shardiga kaliya ee ardayga looga baahnaana wuxuu ahaa in ay shahaadadiisu leedahay tasdiiqa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Markii uu July 15, 2016 dalka Turkiya ka dhacay inqilaabkii dhicisoobay ayay dowladda Turkigu xirtay iskuullo, jaamacadado, isbitaallo iyo warhaabinno ay laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen ee inqilaabka isku dayday. July 25, 2016 dowladda Turkiya waxay la wareegtay saddex iskuul iyo Isbitaalkii Deva oo ay maamuli jirtay Hay’adda Nile Academy oo xiriir la laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen. Isbedelladii Turkiga ka dhacay waxay saameeyeen ardaydeenna, oo hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiya(YOK) ayaa waxbarashada hakad ka gelisay ardaydii Soomaaliyeed ee dhiganaysay jaamacadaha Turkiya, waxayna joojisay aqbalaadda ardayda cusub ee Soomaaliyeed. Nasiib wanaag, mushkiladdaasi ilaa iyo maanta ma aysan saameyn ardayda deeqaha waxbarasho ka hesho dowladda Turkiya.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiya ayaa hey’adda YOK ka codsatay in la aqbalo jaamacadihii ay ka soo baxeen ardaydii markaas waxbarashada u joogtay Turkiga, si ay waxbarashada u sii wataan. Waxaana sidaas lagu aqbalay 6 jaamacadood oo kala ahaa Banaadir, Muqdisho, Hargeysa, SIMAD, Camuud, iyo jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Mudane Raysulwasaare, June 2018 waxaa Turkiya tegay wafdi ka socday Jaamacadaha dalka. Waxay la kulmeey hey’adda YOK, waxayna u sheegtay in aysan mushkiladdu dhankooda ka jirin, balse ay u baahan yihiin in dowladda Soomaaliya ay YOK u soo gudbiso liiska jaamacaadha ay aqoonsan tahay. Wafdigu wuxuu sidoo kale la kulmay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, waxay iyaduna u sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada laga sugayo liiska jaamacadaha.

Markii uu wafdigu dalka ku soo laabtay wuxuu la kulmay Wasiirkii Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Hase yeeshee July 25, 2018 ayuu hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir, wuxuuna yiri “Ma jirto jaamacad aan aqoonsannay oo aan dhihi karno jaamacaddaan waan aqoonsannay. Xitaa Jaamacadda Umaddu waxay la mid jaamacadahaas kale.” Maalinkii xigay waxaa xilka laga qaaday Wasiir Cabdiraxmaan, waxaana Aug 05, 2018 loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre.

Ururka Jaamacadaha waxay la kulmeen Wasiir Goodax. Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay in uu qiimeyn ku sameeyo jaamacadaha, si uu YOK ugu gudbiyo jaamacadihii qiimeystaan ka soo gudbo. Sababtaas ayuuna Sept 10, 2019 Goodax u magacaabay Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare.

Wasiir Goodax wuxuu la fariistay jaamacadaha, wuxuuna u sheegay in guddiga tababar loogu dirayo dalka Turkiya, balse aysan Wasaaraddu miisaaniyad u heynin. Ururka Jaamacadaha ayaana qaaraamay qarashkii ku baxay tababarkii Guddiga Tacliinta Sare.

Markii uu Guddigu soo laabtay waxay qiimeyn iyo kormeer ku sameeyeen jaamacadaha dalka ilaa Somaliland. Waxaana qiimeyntoodii ku guuleystay 36 jaamacadood. Intii ay qiimeyntu socotay waxaa la riday Xukuumaddii Raysulwasaare Kheyre ee uu ka tirsanaa Wasiir Goodax. Markii uu Guddigu soo saaray natiijada, balse aan la shaacin ayaad adigu ku dhawaaqday Golahaada Wasiirrada, waxaadna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare u magacaawday Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Waxaa xusid mudan in jaamacadaha CITY iyo Soomaaliya ay galaangal ay sameeyeen ku galeen liiska ay aqoonsan tahay YOK intii ay caqabaddaanu taagneyn.

Mudane Raysulwasaare, Jan 09, 2021 Ururka Jaamacadaha ayaa kula kulmay adigo iyo Wasiirka Waxbarashada. Waxaad dhegeysatay jaamacadaha, kadibna Wasiir Cabdullaahi Carab oo hortaada ka sheegay in lagu jiro xilli doorasho, oo aysan dowladdu ku dhiirran karin in ay natiijadaas gudbiso, maadaama ay buuq dhalin karaan jaamacadaha laga tegay ee aan qiimeyntii ka soo gudbin.

Mudane Raysulwasaare, dalka Turkiya waxaa hadda waxbarasho la’aan ugu xayiran arday Soomaaliyeed. Jaamacaduhuna dadaal nafhur ah ayay ku bixiyeen in arrintaas la xalliyo. Safiirka Soomaaliya ee Turkiya Jaamac Ceydiid wuxuu qoraal uu saakay Twitter soo dhigay ku sheegay in Wasaaradda Waxbarashada laga sugayo liiska jaamacadaha ay aqoonsan tahay. Hadda liiskii wuu ka soo gudbay Guddiga Tacliinta Sare, wuxuuse arrimo siyaasadeed ugu xayiran yahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Mudane Raysulwasaare, waxaa jira arday aan ehel nahay oo tahriibay markii ay aqbali waayeen jaamacadaha Turkiya. Waxaan kaa codsaneynaa in aad badbaadiso mustaqbalka ardaydeenna, aadna ka farxiso waalidiinta Soomaaliyeed ee ka walwalsan mustaqbalka wiilashooda iyo gabdhahooda. Adiga kuguma cusla, iyaga wax weyn ayay u tahay ee fadlan u istaag in aad arrinkaas xalliso. Mustaqbalka ardaydeenna badbaado ayay u tahay, adigana waxay kuu noqon doontaa waxqabad iyo dhaxal aan duugoobeyn oo mar kasta la xusi doono, laguguna soo xusuusan doono.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media