Midowga Musharrixiinta oo soo dhoweeyey xilka la saaray RW Rooble (Maalinta uu howsha la wareegayo oo la asteeyey)

0

(Muqdisho) 02 Maajo 2021 – Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay in geeddi socodka agaasinka doorashada iyo amaankeeda lagu wareejiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, sida uu shalay ku dhawaaqay MW Farmaajo.

Waxay Musharrixiintu sheegeen inay diyaar u yihiin inay Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeeyaan qabsoomidda doorasho daah-furan oo xor iyo xalaal ah, oo loo abaabulo sida ugu dhaqsaha badan.

Waxay dhanka kale ka tacsiyeeyeen dadkii ku waxyeelloobey shaqaaqooyinkii ugu dambeeyey iyagoo amaanay doorka ciidanka diidey muddo kororsiga sidoo kalena ku baaqay in la saaro guddi farsamo oo ka shaqeeya dib u midaynta ciidanka iyo sidii xerooyinkooda loogu celin lahaa.

Waxay RW Rooble xusuusiyeen in wixii ka dambeeya 5-ta Maajo 2021, uu isagu yahay agaasinka rasmiga ah ee arrimaha doorashooyinka sidaa darteedna uu iska jiro inuu la safto ama u janjeersado dhinac gaar ah, sida ay sheegeen.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka oo dhan:

Hadalsame Media