Booliiska Somaliland oo soo bandhigay musharrixiin ka tartami lahaa halkaas oo xiriir la leh DF Somalia (Magacyadooda & caddaymo)

0

(Hargaysa) 02 Maajo 2021 – Booliiska Somaliland ayaa soo bandhigay musharrixiin ka tartami lahaa halkaas bishan Maajo oo xiriir la leh DF Somalia, kuwaasoo mid mid loosoo bandhigay caddaymohooda.

Musharrixiintan oo ka kala socda Xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa qaarkood lasoo daayey codad ay ku sheegayaan inay ka faashlaynayaan siyaasadda Dowladda Dhexe ee Muqdisho iyo midda Somaliland oo uu ka jiro maamul sheegta inuu ka go’ay Somalia,balse aanay wax mabda’ ah aaminsanayn.

Waxaa dadkaa ka mid ah Kubra Xasan Maxamuud oo ka sharraxan Xisbiga Waddani, una taagan wakiilnimada Gobolka Togdheer.

Canab Cabdi Xirsi oo ka sharraxan Xisbiga UCID, una taagan Aqalka Wakiillada oo ay kasoo geli lahayd Gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali (Faro) oo u taagan Golaha Degaanka ee Hargaysa, kana sharraxan Xisbiga UCID iyo Qaasim Aadan Saleebaan oo ka sharraxan Waddani una taagan Golaha Wakiillada ee kasoo gelaya Sool.

Waxaa lasoo bandhigay cod ay Kubra Xasan ku sheegayso inay la kulantay Madaxwaynaha Somalia, Md Farmaajo iyadoo sheegaysa inaysan Muqdisho doonayn balse ay lacag doon tahay, sidoo kale waxay qof ay la hadlayso kula dardaarmaysaa inaanu xogteeda faafin maadaama ay Somaliland iska sharrixi doonto.

Canab Cabdi ayaa iyada waxaa u qorshaysnayd inay sanad qura iska wada sharraxdo Xildhibaannimada Somaliland kaddibna DF Somalia sida ku cad codka dad ka hadlayey meel lagu taageerayey.

Cabdiraxmaan Faro ayaa isna waxay Booliisku ku eedeeyeen inuu la kulmay siyaasiyiin waawayn oo ka tirsan DF Somalia waxaana lasoo bandhigay isaga oo khudbaynaya.

Qaasim ayaa isna lasoo bandhigay sawirro iyo qoraallo muujinaya inuu la kulmay siyaasiyiin ka tirsan DF Somalia, taasoo ay Somaliland sharci darro ku tilmaanto.

Hadalsame Media