Xog dheeraad ah oo ku saabsan wiil walaalihii ku toogtey dalka Maraykanka (Sooyaal naxdin badan oo qoyskan ku saabsan)

0

(Kansas City) 02 Maajo 2021 – Laba wiil oo Xaafidul Qur’aan ah misna walaalo ah oo laba habeen kahor Salaadda Taraawiixda ku tujiyey masjidka Al-Taqwa ee magaalada Kansas City, Missouri ee dalka Maraykanka ayaa la toogtey.

Wiilasha oo kala ahaa 14-jir iyo 15-jir lana kala yiraahdo Cabdiwaaxid & Cabdiraxmaan, ayaa waxaa sida lasoo werinayo gurigooda hortiisa ku toogtey walaalkooda iyaga ka wayn oo ahaa 25-jir, sida la sheegayo.

Sida uu Sahro Cabdi oo VOA ka tirsan uu u sheegay, Maxamed Cabdullahi Cabdi, oo ay ehel yhiin wiilashan saddex ah ee ku wada dhintay magaalada Kansas City, waxaa jirta arrin kale oo naxdin leh oo la xiriirta isla qoyskan.

Wiilasha aabbahood ayaa la sheegayaa in uu ku dhintay Somalia, kaddib markii uu ka baxsadey Maraykanka markii 2009-kii loo qabsadey dilka xaaskiisii iyo hooyada dhashay ilmahan haatan dhintay, taasoo maydkeeda guriga laba dhex helay kaddib markii ceego lagu diley.

Ninka ehelka ah ayaa sidoo kale sheegay in Hanad Cabdicasiis, oo ah wiilka walaalihii diley ee ay deeto Booliiska oo uu la dagaallamay toogteen uu ahaa mid la tacaalayey cudurrada xanuunadda dhimirka oo uu ka qaadey saamaynta niyadeed ee dhibaatadii hore cidda usoo martey xilli uu intan kasii da’yaraa.

Qoyska ayaa waxaa haatan ka haray 3 cunug oo weliba gabar ka tirsan ay gaalo kexeeysatay.

Wiilka dilka gaystey

Hadalsame Media