NABSI: Ciidamada Israel oo cudur halis ah ka qaaday hub ay si xun ugu duqeeyaan Falastiin + Sawirro

0

(Tel Aviv) 01 Maajo 2021 – Askarta Xoogga Dalka Israel (IDF) ayaa sheegay in ka shaqaynta hannaanka uu dalkaasi sameeyey ee loo yaqaan Qubbadda Birta ah (Iron Dome) ee lagu difaaco hawada Israel ay ka qaadeen cudurka kansarka.

Maalinlaha Israeli-ga ah ee Yediot Ahronoth ayaa soo qaatay askar dhowr ah oo kasoo shaqeeyey xarumaha qalabkaasi yaallo oo uu gebigood ku dhacay cudurka kansarku isla markii ay howlgabeen ama in yar kaddib.

Iron Dome ayaa yaalla koonfurta Israel si uu gantaalaha riddada gaaban ee kasoo hoobanaya dhanka kooxaha wax iska caabbinta ee Marinka Gaza uu uga difaaco dhulka ay Israel xoogtey.

Yediot Ahronoth ayaa intaa raacshey inay askartu qabaan inuu xiriir rasmi ihi ka dhexeeyo hannaankan ay ku shaqeeyeen iyo cudurka halista ah ee laga helay.

Waxay ku doodayaan in raadaarrada uu ku wax ku arko hannaanka daafaca cirku uu leeyahay kaah-fallo iyo kulayl u keenay cudurkan kansarka ee ku dhacay, iyagoo sheegay inay soo bandhigayaan 10 askari oo hannaankaa ku shaqeeyey oo haatan wada buka.

Warqaadka ayaa soo qoray magaca hal askari oo la yiraahdo Ran, kaasoo laga helay kansarka lafaha, sanad uun kaddib markii uu ka fariistay waajibaadka ciidamada.

Warkan ayaa kusoo beegmaya, xilli ay Maraykanku ay Israel ka iibsadeen ilaa 2 qunux ama batari oo ah hannaanka Iron Dome oo loo iibiyey Ciidankooda.

Hadalsame Media