DAAWO: Ruushka oo ”markii ugu horreeysey taariikhda” gantaal guuxiisa ka dheereeya markab ka ganay (Maraykanka & UK oo maraakiib dagaal diray)

0

(Moscow) 01 Maajo 2021 – Ciidanka Badda Ruushka ayaa gantaallo markab dileyaal ah oo guuxooda ka dheereeya ku tijaabiyey Badda Black Sea intii lagu jirey dhoollatus lagu soo beegay imaanshiyaha aaggaasi ee markabkii ugu horreeyey oo uu Maraykan leeyahay muddo 13 sanadood ah.

Waxay tijaabada gantaalka loo yaqaan Vulkan ay imanaysaa xilli ay sidoo kale aaggaa joogaan laba markab oo ah kuwa badda Britain jeer ay sii laxaadsanaydo xiisadda xadka Ukraine oo uu ka wado dhoollatus kale.

Ruushka ayaa sheegay in markabka Moskva uu “gantaalka Vulkan ee guuxiisa ka dheereeya uu ka ridey qunuxyadiisa Basalt markii ugu horreeysey taariikhda dunidan casriga ah,” sida uu qorayo East2West News.

Waxay intaa raaciyey in gantaaluhu ay si sax ah u haleeleen bartilmaameedkii loo calaamadeeyey oo jirey masaafo dhan 19 mayl (30.5km).

Tillaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa jeer uu Maraykanku aad u dhaleeceeyey tillaabada uu Ruushku ku xirtey aag badan oo ka mid Black Sea isagoo meesha soo dhigay 20 markab, isla markaana diiday inay gudbaan maraakiibta shisheeye.

Halkan ka akhri…

Hadalsame Media