DEG DEG: MW Farmaajo oo agaasinka doorashada & amnigaba ku wareejiyey RW Rooble (Baarlamanka oo ansixiyey)

0

(Muqdisho) 01 Maajo 2021 – MW Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu  agaasinka doorashada & amnigaba ku wareejiyey RW Rooble.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono diyaarinta, hirgalinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisul Wasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 Sebtembar 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya XF in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hor taalla” ayuu yiri MW Farmaajo.

MW Farmaajo oo muddo xileedkiisa lagu muransan yahay ayaa u khudbeeynaya Aqalka Hoose isagoo Xildhibaannada ugu baaqay inay kansalaan muddo kordhinta kaddibna ay ku dhawaaqaan soo celinta Heshiiskii 17kii Sebt ee ay saxiixeen 26kii isla bishaas.

Arrintan ayaa ahayd mid si wayn la iskugu hayey iyadoo ay wax kastaahi ku xiran yihiin sida arrintan loo fuliyo iyo daacadnimada la muujiyo hadda kaddib.

Waxaa haatan la sugayaa waxa xiga iyadoo aan la ogayn in uu Aqalka Hoose samaynayo codayn misaali ah iyo in kale.

Waxaa haatan khudbaynaya Guddoonka Baarlamanka Md Mursal oo la hadlaya Xildhibaannada Aqalka Hoose. Wuxuuna ku dhawaaqay in loo codaynayo soo jeedinta Madaxwaynaha.

140 Xildhibaan oo fadhiyey Aqalka Hoose ee fadhiga soo xaadirtay ayaa si aqbali ah ugu wada codeeyey in dib loogu laabto Heshiiskii 17-kii Sebt., ma jiro qof ka aamusay iyo mid diidey toona.

Waxaa haatan la sugayaa MW Farmaajo oo kusoo laabanaya hoolka Baarlamanka si uu mar kale umadda ula hadlo.

Hadalsame Media