”Wuxuu haystaa Baasaboor dal kale!” – Wargayska NY Times oo kashifay xog aan horay looga haynin MW Farmaajo

0

(New York) 01 Maajo 2021 – MW Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa markii uu 2017-kii ku guulaystey madaxnimada Somalia oo uu guusha ku helay si la yaab leh oo lama filaan ah, dad badan ayaa filayey inuu isbedel wayn oo wax hufaya ku samayn doono dimoqraadiyadda dalkiisa ay dagaalladu daashadeen, sida uu qoray warqaadka afka dheer ee New York Times.

Yeelkeede, hiraalkaasi waa fashilmay kaddib markii uu Farmaajo ku fashilmay inuu xitaa doorasho ku qabto xilligii la isku ogaa, isagoo kaddib ku dhaqaaqay muddo kororsi 2 sanadood ah — taasoo ah tillaabo ay Soomaali badani u aragtay awood raadin qaawayn keentayna xasarado iyo dagaal ka dhacay magaalada oo dadwaynaha cabsi dagaal sokeeye ku beeray, ayuu wargaysku raaciyey.

Waa tillaabo ay aad uga hor timid marka mucaaradka Soomaalida laga yimaado sidoo kale beesha caalamka oo uu ugu horreeyo Marayanka, iyadoo uu Wasiir Dibadeedka Antony J. Blinken uu si cad ugu hanjabey cunaqabatayn Madaxwaynaha iyo saraakiisha ka ag dhowba, haddii aan deg deg doorasho loo qaban.

Farmaajo oo 1985-kii Maraykanka tegey isagoo ah diblomaasi dhowaan gal ah oo ka shaqeeya Safaaradda Somalia, ayaa la sheegay inuu markii hore iska dhiibey Canada oo ay qoyskiisa iyo walaalihii deggan yihiin halkaasoo uu ka qaatay Baasaboorka dalkaasi.

Yeelkeede, horraantii 1990-kii, wuxuu Maxamed oo markaa guursadey dib ugu soo laabtay Maraykanka, halkaasoo ay qoyskiisu degeen Grand Island, oo garabka ku haysa Buffalo iyo biyo dhaca Niagara Falls, isagoo dhigtay Jaamacad ku taalla Buffalo, kaddibna noqday muwaadin Maraykan ah kuna biiray Xisbiga Jamhuuriga, markii dambena ka shaqeeyey Waaxda Gaadiidka New York.

Xogta cusub ee halkan ku jirtaa waa suurtagalnimada haysashada Baasaboorka dalka Canada, xilli uu Madaxwaynuhu horay u sheegay inuu wareejiyey Baasaboorkii Maraykanka, maadaama aysan jirin meel uu uga tanaasuley midkii Canada.

Maxamed oo haatan ay hab maamulkiisa oo adeegsada nooc siyaasadeedka halista ah ee loo yaqaan ”brinkmanship” oo ah siyaasad ku dhisan tacabbur, ku fiiri, daraama, xaalad iyo qar iska tuurnimo ku dhisan dadka lagu tijaabinayo ilaa marka dambe xeerada salkeeda la tago, ayaa la sheegayaa in 2007-dii uu muran qaraar ka dhaliyey isla Buffalo kaddib markii uu diidey inuu iska dhiibo xilka Guddoonka Jaalliyadda markii uu waqtigii ka dhamaaday, sida uu sheegay nin Soomaali ah oo is qariyey.

Dadwayne Muqdisho ugu dabbaaldegaya guushii doorasho ee Farmaajo 2017

Hadalsame Media