XOG: Ciidamada AMISOM oo door ku yeelanaya xallinta mushkiladda Muqdisho ka aloosan

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2021 – Waxaa deggan caasimadda dalka ee Muqdisho oo ay shalay iyo xalay ka dheceen shaqaaqooyin nasiib darro ah oo ay dad iyo hantiba waxyeello kasoo gaartey.

Magaalada ayaa haatan ku naalloonaysa xasillooni nisbi ah, waloow aanu xaalku weli ka caddaynna waxaa soconaya waan waan lagu doonayo in xaalka caadi loogu soo celiyo.

Dhanka kale, waxaa socda dadaallo lagu doonayo in Ciidamo AMISOM ah lagu kala dhex dhigo goobaha shalay illaa xalay ay shaqaaqooyinku ka dheceen, si meesha looga saaro dhicitaanka dagaallo kale.

Waxaa sidoo kale socda, qorshey ay Wakiillada Beesha Caalamka ee Xalane fadhiya oo xiisadahan dambe kulamo kala duwan ka yeelanayey ay Midowga Afrika ugala hadlayaan inay dib u qaabayn lagu sameeyo doorka iyo waajibaadka Nabad Ilaalineed ee AMISOM, si loo baajiyo senaariyo noocan oo kale ah.

Hadalsame Media