”5 sano kaddib ayay nasoo waceen” – Turkiga oo sheegay inay Imaaraadku ka codsadeen in ay hagaajiyaan xiriirka labada dhinac

0

(Ankara) 26 Abriil 2021 – Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in uu soo wacay dhiggiisa Imaaraadka, Abdullah bin Zayed, isagoo ugu hambalyeeyey bisha Ramadaan isla markaana soo jeediyey in xiriirka la wanaajiyo.

“Waxaa codsiga wicitaanka lahayd Dowladda Imaaraadka. Wuxuu ahaa wada hadal asluubaysan, waana xiriirkii ugu horreeyey oo noocan ah muddo 5 sanadood ah.” ayuu yiri Cavusoglu.

Arrintan ayaa daba socota isbedello Bariga Dhexe ka socdey tan iyo doorashadii Joe Biden iyadoo uu Turkigu sidoo kale la hadlay dalalka Masar, Sucuudiga iyo Israel si xiriirka loo turxaan bixiyo. Waxaa sidoo kale go’doomintii laga qaaday Qadar oo ay Turkigu taageereen.

Bishii Jannaayo ee sanadkan, Wasiiru Dowlihii Arr. Dibbedda Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa si cad u qirtay in aysan ”xiise badan u qabin” hardan ay Imaaraadku la galaan dalka Turkiga.

Turkiga iyo Imaaraadka oo meelo badan iskula dhacay sida afgembigii dhicisoobey oo ay Ankara Imaaraadka ku eedeeysey inuu qayb ka ahaa, ayaa sii darsaday kaddib markii uu MW Recep Tayyip Erdoğan sheegay inuu hakin karo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu Abuu Dabeey la leeyahay kaddib markii ay xiriir rasmi ah la yeesheen Israel.

Hadalsame Media