Dunida oo ka walaacsan xasarado dabiici ah & kuwo dad samee ah oo ka dhaca Geeska (Maraykanka oo Somalia & Ethiopia…)

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2021 – Aduunwaynaha daneeya nabada Geeska Afrika waxay muujinayaan wel-wel badan oo ay ka mid yihiin:

1 – Abaaraha ku soo fool leh Geeska Afrika Sedex bilood ee soo socda dhibka ay u geeysan karaan mushtamaca ku nool dalalka Ethopia, Somaliya, Sudan, Eritrea iyo Jabuuti.

2 – Dagaalada Ethiopia ee Tigree, Ethiopia iyo Sudan, biyo xireeka Ethiopia iyo Egypt.

3 – Muranka siyaasadeed ee Soomaaliya oo laga cabsi qabo in dib loogu noqdo dagaal sokeeye.

4 – Nabad la’aanta ka dhalata dagaaladaas waxay fursad u tahay xag jirta oo la wareegi doono dalal badan.

5 – Dhaqaalaha dalalka Geeska Africa oo aad u sameeyay cudurka Covid 19, tasoo ayadana keeni karta mushkilado aad u fara badan.

Burburka dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia waxay samayn wayn ku yeelan kartaa nabadda Africa iyo gacansiga adduunka, waxaana ku naf waayi kara sida ay aaminsan yihiin malaayiin qof oo labada dal, dagaalkana wuxuu noqon karaa mid jiitama mudo fog kaasoo samayn kara meel kasta.

Si masiibooyinkaan looga hor tago Wakiilka cusub ee Dalka Mareeykanka ee Geeska Africa iyo Wakiilka cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya waxay shaqadooda ugu horeeyso ay xooga saari doonaan degenaashaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Diyaariyey: Sheekh Nuur A. Qaasim

Hadalsame Media