Maxay warqaadyada waawayn ee caalamku ay ka qoreen dagaalladii shalay ka dhacay Muqdisho?

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2021 – Waxaa shalay iyo xalay Muqdisho ka dhacay dagaallo ka dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF balse u kala safan siyaasado is diiddan oo ay qaarna u dirirayaan MW Farmaajo oo uu muddo-xileedkii ka dhamaaday, qaarna difaacayaan mucaaradka lidka ku ah muddo kororsi uu ku dhawaaqay oo aan heshiis lagu ahayn.

Warbaahinta caalamka ayaa arrintan nasiib darrada ah sheekooyin quus ku ah Somalia ka qoray, waxaana idiin soo qaadaynaa dhowr cinwaan oo lagu qoray ilo wareedyada waawayn qaarkood:

”Kooxo iska horjeeda oo uu dhexmaray dagaal ku saabsan sharciyadda Madaxwaynaha” – Al Jazeera Eng.

”Xabbad ka bilaabatay Xamar xilli coltanka siyaasadeed uu isu bedeley gacan ka hadal” – New York Times.

”Kooxo kala duwan oo ku dagaallamaya muran ka dhashay muddo-xileedka Madaxwaynaha” – BBC News.

”MW hore oo sheegay in lasoo weeraray isagoo eedeeyey MW haatan” – Reuters.

”MW hore oo sheegay inay askari gurigiisa kusoo weerartay” – Daily Sabah oo Turki ah.

Wararkan iyo kuwo kale ayaa laga qorayaa Somalia, taasoo sumcad xumo caalami ah markale usoo jiidaysa dalka oo ku jirey marxalad soo kabasho ah oo bilihii dambe dib u dhac ka muuqdo, kaddib markii moodalka doorashada la isku mari waayey, maadaama ay doorashadu ahayd wixii qura ee Somalia u toosnaa ilaa xad.

Hadalsame Media