Jawiga magaalada Muqdisho oo haatan deggan & saansaanta guud oo wanaagsan

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2021 – Waxaa haatan deggan xaaladda guud ee magaalada Muqdisho kaddib dagaalladdii shalay iyo xalay halkaa ka dhacay, iyadoo la wado waan waan lagu doonayo in jawiga caadi lagu soo celiyo.

RW Rooble oo hadal kooban oo diraya farriimo isku qasan warbaahinta siiyey ayaa sheegay inuu wado waan waan isagoo wada hadalka ku tilmaamay jidka qura ee furan, waxaanay wararku sheegayaan inuu durba la xiriirey musharrixiin shalay sheegtay in la weeraray sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu xaqiijiyey jiritaanka warkaas iyo MW hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu kaloo Cabdiraxmaan Cabdishakuur in xogo uu ka helay isla Xafiiska RW Rooble ay u sheegeen in goobihii shalay iyo xalay lagu dagaallamay laga qaadayo ciidamadii halkaa ku faltamay.

Waxaa arrinta ku jira oday dhaqameedyo, ganacsato iyo madaxda Maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, sida ay u kala horreeyaan, kuwaasoo ku dedaalaya inaan mar kale lagu dhex dagaallamin magaalada.

Waxaa ay dagaalladu shalay iyo xalay ka kala dheceen Marinaayo oo ay haatan ku sugan yihiin millateri sheegay inay diiddan yihiin muddo kororsiga, halka fiidkii in yar kahor ay ka kala bilowdeen KM4 iyo Maka Al-Mukarama, waxaana la sheegayaa in meelahaas laga qaaday Ciidankii DF.

Si kastaba, dagaalladan ayaa lagu tilmaamay dib u dhac wayn, iyadoo weli ay xaaladdu taagan tahay meel laga dabaqaban karo haddii lala yimaado maskax fayow iyo turaale shacab iyo mid dal.

Hadalsame Media