RW Rooble oo maanta laba waddo middii uu maraba taariikhda geli doona

0

(Hadalsame) 26 Abriil 2021 – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa maanta laga rabaa inuu la yimaado ficil iyo hadal wanaagsan oo ku aaddan sidii loo joojin lahaa colaadda sokeeye ee ka taagan caasimadda dalka.

Wuxuu laba jeerba galayaa taariikhda, haddii uu noqdo nin waddanka ka samata-bixiya marxaladdan, wuxuu noqon doonaa, nin hoggaan ah oo mustaqbal wanaagsan ku yeesha siyaaaadda waddanka, haddiise uu fahmi waayo waxa horyaalla, Muqdishana ay sii socdaan dagaallada, bur-burna uu dhaco, si wanaagsan looma xusuusan doono.

Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu haystaa laba fursadood oo maanta Muqdisho looga samata-bixin karo marxaladdaan, mid waa inuu yahay Ra’iisul Wasaare ku fadhiya kalsoonida madaxweynahiisa iyo mucaaradka hubka qaatay oo u ogol inuu talo yeesho.

Ninka adag, waa kan soo baxa xilliga dhibku jiro, Ra’iisul Wasaarahu waa inuu go’aan u qaataa badbaadada qarankan nugul.

Allaha yasiro amuuraha.

Waxaa Qoray: Cabdicasiis Axmed Barrow

Hadalsame Media