DEG DEG: “Waa la isla xisaabtamayaa!” – Midowga Yurub oo war kasoo saaray shaqaaqada Muqdisho

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2021 – Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia Nicolas Berlanga ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee Muqdiaho ka taagan.

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DF balse ay qaarkood ku wacad fureen wax ay ku sheegeen “muddo kororsi dulmi ah.”

Berlanga ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay colaadda Muqdisho isagoo ku baaqay in la is xakameeyo.

Wuxuu kaloo sheegay in lala xisaabtami doono qofkii lagu helo inuu arrintan lug ku leeyahay, mase carrabaabin cidna.

Hadalsame Media