4 qodob oo waawayn oo muujinaya sababta ay DF Somalia ugu fashilantay madlaha DIBLOMAASIYADDA dunida (Turkiga & Japan…)

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2021 – Waxaa beryihii dambe kasii daraysa xaaladda dalka oo ku jira jawi cakiran iyo xaalad ay wax kastaahi taagan yihiin, iyadoo ay weliba madaxda sare ee DF sida MW muddo-xileedkiisa lagu muransan yahay ay ka muuqato khiyaali badan oo ku dhisan in sidan wax lagu sii wado karo, tiiyoo ay muuqato in aanu ahayn qaab sii jiri kara (unsustainable).

Meelo badan ayuu wareerku ka jiraa sida hal abuur xumo siyaasadeed, talo xumo, cawaaqibka iyo afcaasha la sameeynayo oo aan la isku xiri karin iyo heshiis xumo keentay in lala colloobo cid kasta oo aragti duwan maxalli iyo caalami ahaanba.

Yeelkeede, aan dul istaagno dhanka diblomaasiyadda oo ah aalad muhim ah marka ay timaaddo sida ay dunidu danaha isu waydaarsato una macaamisho, halkaasoo ay muuqato in aad loogu fashilmayo keenaysana inay jug badani ka gaarto Somalia.

Tusaale ahaan, marka laga soo tago cayrintii moowjadaha shoogga ah dirtay ee Ergaygii QM, bilihii yaraa ee ugu dambeeyey oo qura waxay Somalia waxay Somalia u jawaabtey ku dhowaad inta urur caalami ah ee ay qaar ka tirsan tahay qaar jaalka la tahay, waxaana ugu dambeeyey Midowga Afrika iyadoo markii 3-aad la dhaleeceeyey dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ugu dhow Somalia, xilli horay xiriirka loogu jaray Kenya, taasoo aan daruuri ahayn xitaa haddii ay sax tahay in Kenya laga diido wixii xad-gudub ah.

Haddaba maxaa ka khaldan diblomaasiyadda dalka?

1 – Cillada ugu wayni waa mid guud waana in Somalia aanay lahayn dhabbe-howleed istaraatiji ah oo u degsan siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka, sidaa darteed, ninka markaa Madaxwaynaha ah ayaa maalinba qar kala dhaca oo dareenkiisa shakhsiga ah ku maamula. Tusaalaha ugu fiican ee muujinaya fashilka diblomaasiyadda Somalia wuxuu ahaa cayrintii Soofiyeetka oo ay kasii horreeysey gelitaankii Dagaalkii 77, kaasoo walow ay sax ahayd in la galo dareen ahaan ay misna khalad ahayd in la galo farsamo ahaan, maadaama aysan Somalia lahayn saaxiib istaraatiji ah oo la soconaya ilaa dhamaad.

Hadda oo xilligii Soofiyeetka la eryey 43 sanadood laga joogo, weli xiriir fiican lama lihin Ruushka oo ka mid ah dalalka annaga oo aan weji u dhigan aan hadda ku gaaf wareegayno, annagoo doonayna inaan kuwa kale la dirirno. Maxaa aabi dagaal u joog ah naga dhigaya waa yaabe?

2 – Tan iyo markii la dhisay XF ee RW Rooble, waxaa howlaha XF ka hadla Wasiirka Warfaafinta oo ah nin ilaa xad niyad wanaagsan shakhsiyanna aan xumayn, balse dhibku wuxuu ka joogaa ma aha diblomaasi. Taasi waxay keentay in maadaama uu isagu ka hadlayo arrimihii dibedda oo ah howl uu leeyahay Wasiirka Dibedda oo ah diblomaasiga ugu sarreeya dalka (top diplomat), inaan galno khaladaad badan oo ay ka dhalan karaan shilal diblomaasiyadeed (diplomatic incidents), sida midda nagu dirtay Jabuuti oo si kale loola hadli karey, xitaa wefdi loo diri karey kahor inta aan shir jaraa’id laga canaanan.

3 – Qaabka uu u dhisaalan yahay xiriirka caalamiga ah oo aan uga hadlayno qaab dul ka xaadis ah (superficial), tusaale, waxaa warkeenna ka mid ah in aannu ”Jabuuti ka sugayney inay noo hiilliso”, sidoo kale Jabuuti waxaan ku maagaynaa in ay ka mid tahay xubnaha ku jira Golaha Amaanka ee AU, balse xitaa haddii ay na taageerto waxay leedahay hal cod, marka taasi waa diblomaasiyad dugsi hoose ah, dalna mid kale uma hayo carruurta (diplomatic baby sitting), marka ay timaado golayaasha caalamiga ah dal kasta isaga ayaa eryada danihiisa gaarka ah, waloow nidaamka hadda jira uuba qar kasii tuurayo danihii dalka si loo xaqiijiyo mid gaar ah.

4 – Maadaama uu dalkeennu yahay mid faqri ah oo aan laba bil is hayn karin isla markaana aan lahayn hannaan dakhli oo guud iyo hay’aad maaliyadeed oo dhisan, sida xalayba ka muuqatey warkii Wasiirka Maaliyadda, waxaa muhim ah in aan joojinno is maqiiqa iyo waxbaa qab lasoo celinayaa, waayo qabku waa kibir, kibirna xitaa Ilaahay ma jecla, sidoo kale kibirku wuxuu ku seejiyaa inaad saaxiga keento.

Tan kale, Somalia waxay u baahan tahay cid kasta oo xitaa haddii aad isku filan tahay sida Japan, meesha kuma jirto inaad cid kasta la collowdo, waayo dan istaraatiji ihi inay kugu seegto mooyaane mid kale kusoo xasilin maysid. Japan wuxuu ahaa dhaqaalaha 2-aad ee dunida, waa dal ay makhaayadiisa ka shaqeeyaan kabalyeeriyaal robot ah, inta gafuurka taagey qab baan leennahay inta yiri dunidii lama colloobin.

Tan kale, diblomaasiyadda caalamku waxay ku shaqaysaa wax la yiraahdo rogaal (diplomatic recprocity) ka imanaya hadba booska aad taagan tahay waxaana laguula dhaqmayaa si waafaqsan wejiga aad dhigato, adiga oo ah dal aan xitaa lahayn ciidan fadhiya oo xuduudihiisa ilaalin kara amaankiisana sugi kara inaad sanka taagto oo qab baan leeyahay isla soo taagto waxay muujinaysaa in ama madaxdu is yeelyeelayaan amaba ay ka talo qaadanayaan dad wax u arkaya si caddaan iyo madow ah. Meesha aad jeceshahay waxaa lagu tiigsadaa hiraal cad oo ku dhisan talo maangal ah ee laguma tago heeso la qaado iyo qab maran.

Dal kale waa Turkiga, kaasoo ah dal kun jeer naga taariikh ballaaran sidii Roomaankiina 3 qaaradood soo xukumay, misna maalintii uu jabay ee uu sagxadda tegey qab baan leennahay inta yiri sanka ma taagine wuxuu qaatay talooyin ku dhisan sida ay ka badin waayeen (pragmatic), iyagoo saxiixay heshiisyo badan oo xanuun badan, misna maanta waa kuwaas 70% hubkooda samaysta, balse weli isma maqiiqaan oo iyaga oo u socda dhanka ay doonayaan ayay misna is dejiyaan.

Hallugu noqdo sida loo maareeyo diblomaasiyadda Somalia, waxay keenaysaa inay go’aan xarko aan hadhow la xiri karin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji, wuxuu Global Studies ka dhigtaa Gothenburg University

Hadalsame Media