Warka Wasiir Bayle oo ay ka muuqato in la lunsaday malaayiin lacag ah (Arag xisaabtan)

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2021 – Wasiirka Maaliyadda DF Somalia, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa xalay qirtay in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen DF, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran oo ay durba soo taabteen xeerada salkeeda. 

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qadar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sidoo kale sheegay in dakhliga DF ee guduhu uu awalba ahaa 1/3 oo ka dhigan 30%, taasoo muujinaysa inay dakhlooda 2/3 ka mid ah ama 70% oo ah inta badan ay deeq ahaan u heli jireen.

Arrintan ayaa muujinaysa in ay durba DF soo qaniintey talo xumada dalka lagu wado iyo go’aamada hanfadka ah ee la iska qaadanayo, balse waxaa sidoo kale meesha ku jirta xisaab khaldan.

XISAABI XIL MA LEH: Sida Bayle sheegay mushaarka shaqaalaha aan tiradoodu 4 sannadood kordhin, ciidanka iyo hay’daha waxa uu dhan yahay soddon milyan. Taas oo macneheedu yahay im qiyaastii 4 sannadood ee Bayle joogay uu mushaar ahaan u bixiyay $120,000,000.

Balse lacagta maamulka Farmaajo ee haatan lagu muransan yahay soo gashay waxa ay kor u dhaaftay hal bilyan oo doollar. Haddaba halkee bay ka baxday lacagtii? Biyo ka dhisin, oo koronto warkeed daa, waxbarasho iyo caafimaad ku ma hirgalin, waddooyin ku ma dhisin, horumarin kale ku ma samaysan. Halkee bay ka baxday lacagtii maxay tahay sagxadda aan fadhinno?

Waxaa in la xuso mudan in 4 sannadood uusan maamulkii Farmaajo shaqaale rayid ah qoran, dowladduna adeeg ma bixisee mushahar unbay shaqaaleheeda siisaa. Bayle waxa uu rabaa in caqligeenna ku ciyaaro balse waan ka diiday.

Waxaa Qoray: Cali M Diini & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media