XOG: RW Rooble oo lagu wado inuu hadlo 24-ka saac ee soo socda (Warkiisu ma noqon doono mid u sahlan sidii hore)

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2021 – Madaxa Xukuumadda Federaalka ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu warramayaa inuu maanta shir jaraa’id qaban doono, kaasoo uu uga hadlayo halka aan kala caddayn ee uu dalku haatan marayo.

Ma jiraan xogo rasmi ahaan u caddayn kara waxa uu ka hadli doono RW Rooble oo aan waxa haatan socda ku lahayn door firfircoon.

Yeelkeede, xogo hoose ayaa sheegaya in hadalka RW Rooble oo dhici kara 24-ka saac ee soo aaddan uu ka duwanaan doono sidii hore oo uu dalban doono laba tillaabo middood:

1 – In lagu laabto wada hadalladii doorashada ee ka socdey Teendhada Afisyooni.

2 – In uu xilka iska casilayo si aanu berri ugu eedoobin cawaaqibka jidka qarda jeexa ah ee haatan dalka lagu qajajicinayo.

Wax kasta waxay kala caddaan doonaan saacadaha yar ee soo aaddan, waloow ay jiraan isku dayo hoose oo soconaya, iyadoo haddii uu RW Rooble tillaabadan qaado uu badbaadin karo aayihiisa siyaasadeed ee dalka.

Hadalsame Media