Akhri halka ay dalkii taagtey talo xumada Madaxtooyada & toowfiiq xumada mucaaradka Muqdisho

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2021 – Muddo ayuu hadda soo jiitamaayay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya, haddaba halkee wax iska waydaarsanyihiin? Faaladdan kooban ayaan kaga hadlay.

Farmaajo Xamar ayaa lagu doortay, hoggaanka dalka marna xoog iyo dagaal midna kumuu imannin, Xildhibaannada doortay waxa hormuud u ahaa Xildhibaannada Muqdisho. Doorashadiisa ka dib, waxa uu helay taageero balaadhan oo ay adagtahay in hoggaamiye ka dambeeyaa uu si fudud ku helo. Farmaajo, markiiba si fudud ayuu waddadii uga baydhay ama ku talogalba uga baydhay.

Sharciyaddi dawladnimo ee uu helay waxa uu uga faa’iidaystay in uu maamullada dumiyo, beelaha kala qaybiyo, maamullada qaarkood dhaqaalaha ka joojiyo, qaarkood duulimaadyada ka joojiyo, qaarkood ku duulo oo uu dhiig ku daadiyo, qaarkoodna kabaqaad isaga u adeega uu ka dhigo. Sidoo kale waxa uu weeraray oo dhiig ku daatay siyaasiyiintii ay kursiga ku loolamayeen.

Runtii, u malayn maayo in dadku maanta Farmaajo tuugnimo badan ku sheegi doonaan oo wax badan oo uu xaday wali dadka caadiga ahi may arag, balse, waxa uu sharciyaddii uga faa’idaystay in uu samaystay kooxo abaabulan oo dadka caaya, qofkii ay siyaasadda isku qabtaanna aflagaadeeya oo dhaqaale badan laga siiyo miisaaniyadda dawladda, arrintaas oo fadeexad ku ah milgaha dawladnimo iyo qiyamka ummadnimo ee la dhisaayo.

Inkasta oo Farmaajo intii uu socday qorshihii doorashooyinku marar badan la sheegey in uu tanaasul sameeyey, haddana dadka xogogaalka ahi waxay aaminsanyihiin in aanu marna dhab ahaantii tanaasulin balse uu marin habaabin iyo khiyaamooyin badan sameeyey. Waxa la aaminsanyahay in Farmaajo marna aanu masuuliyad muujin, garaadka dadkana aanu ixtiraamin.

Tusaale ahaan, waxa Siddeeddii bilood ee ugu dambeeyey si xooggan bulshada u saameeyey farriimaha aan xogogaalnimada iyo xilkasnimada midna ku dhisnayn ee Wasiirka Warfaafintu Md. Osman Dubbe uu soo gudbiyo, taas oo gaadhay heer dacaayadda madaxda, marin habaabinta bulshada iyo waji xumaynta haldoorka bulshada la xalaalaystay. Waxay maanta maraysaa in Telefishinkii Qaranka, Idaacaddii Qaranka iyo Warbaahintii guud ee dawladdaba loo adeegsado sidii cinwaan shakhsi ah oo aan masuuliyad, dawladnimo iyo wax wada lahaanshiiyo midna la ixtiraamin.

Run ahaantii, fashilka siyaasaddeed iyo foolxumada caawa la dhex taaganyahay, Farmaajo meella ugama galgalan karo.

Dhinaca kale; Muraacidka Xamar joogaa waxay ku fashilmeen guud ahaanba, iyo gaar ahaanba in ay door hoggaamineed ku yeeshaan maamuladooda Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama Soomaaliya beelo wada yaalla oo wax qaybsadaa ay joogaan. Farmaajo waxa uu ku guuleystay in Galmudug iyo Hirshabeelle uu jeebka gashado, waliba si liidata oo hoosaysa.

Arrintaasi waxay fashil ku ahayd hoggaanka dadka halkaa kasoo jeeda. Maadaama dalku uu yahay federal, waxay ahayd in ay awooddooda isugu geeyaan sidii ay metelaad muhiim ah ugu samayn lahaayeen deegaamadooda. Arrintaas waxa tusaale u ah sida PL & JL ay duullaamadii Farmaajo isaga caabbiyeen. Dhinaca kale, midnimo la’aan iyo inaanay isku dan iyo isku ujeeddo midna ahayn oo ay Xamar joogaan rag is wada diiddan oo haddana isku deegaan ah oo khilaafkooda si walba looga faa’idaysan karo ayaa iyaduna fashilka mucaaradka Hawiye sii xoojisay. Waxaanay maanta joogtaa meel aad u muuqata oo midkoodna aanu doorasho ku guuleysan karin haddii aan xal iyo masuuliyad la muujinin.

Si kastaba ha ahaatee, culayskii siyaasaddeed ee PL, JL, Cabdi Xaashi iyo Midawga Musharixiintu ay abuureen waxa uu door muhiim ah ka qaatay in beesha caalamku ay Soomaaliya arrinteeda si weyn ugu soo jeesato. Waxaanay ku guuleysteen in ay Farmaajo ku ifiyaan Toosh weyn oo aanu ka dhuuman karin.

Caawa waddooyinka bannaani way koobanyihiin: Farmaajo oo wadahadalkii si rasmi ah ugu laabta, JL, PL, Midawga Musharixiinta, Cabdi Xaashi iyo garabkiisa reer Waqooyiga oo shirka ka wada qaybgala iyo gogosha oo la balaadhiyo, awoodda maamulka doorashadana lagu wareejiyo RW Rooble ayaa ah waddadan ugu fudud, ugu nabadgelyo badan, dalkana ay badbaadadiisu ku jirto. Waddooyinka kale oo aan badnayn dhammaantood, dhammaadkooduna ma qurux badna.

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

W/Q: Cumar Seerbiya

Hadalsame Media