Ciidan soo dul degey Xamar oo wada hadal lagula jiro xilli ay kuwa kale isku diyaarinayaan Daljirka Dahsoon + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2021 – Ciidamo uu wato Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27-aad Col. Saneey Cabdulle oo caawa soo gaarey deegaano ka tirsan Woqooyiga Muqdisho ayaa la sheegayaa inay dalbadeen inay warbaahinta la hadlaan.

Saneey, saraakiil kale iyo ciidamada ay wataan ayaa sheegay inay uga yimaadeen Gobolka Sh/Dhexe inay Muqdisho ka difaacaan wax ay ku sheegeen “dulmiga mudo kordhinta.”

Yeelkeede, warar haatan nasoo gaaraya ayaa tilmaamaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odawaa uu halkaa ku baxay isagoo la kulansan ciidankan kasoo baxay furimaha dagaalka ee ku sugan duleedka Xamar.

Je. Odawaa iyo saraakiisha ciidankan hoggaaminaysa ayaa haatan waxaa u socda wada xaajood ku saabsan inay ciidanka dib u celiyaan.

Dhanka kale, ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa hadda iskugu yimid agagaarka Daljir Daahsoon ee bartamaha Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka oo is qarinaya ayaa laga soo xigtey in amar degdeg ah lagu siiyay inay goobta iskugu yimaadan islamarkaasna loo sheegay inay qaban doonaan “howl muhiim ah”, sida uu yiri, iyadoo ciidamo kale lagu arkayo isgoysyada qaar.

Lama sheegin halka loo dhaqaajin rabo ciidankan, balse sida muuqata waxaa ay arrintani muujinaysaa jahawareerka ka taagan dalka.

Hadalsame Media