“Yaa qaadaya mas’uuliyadda?!” – Akhri labadii su’aalood ee ay maanta ka carootey XF ee Somalia

0

(Hadalsame) 24 Abriil 2021 – Maxaa kaa careysiiyay Wasiir Dubbe?

Waa shaqada suxufiga inuu su’aal kasta oo dhageystayaashu doonayaan uu u helo jawaab. Waxaana fursadda ugu wanaagsan aad heysataa marka uu ku horyimaado qof masuul ah.

Ka sokow inuu been abuur cad uu noogu sheegay shirkiisa jaraa’id oo ay ka mid tahay inuu si khalad ah u fasiray war murtiyeedkii Midowga Afrika (oo uu ka leexiyay nuxurka jumladdii ku saabsaneyd ergeyga Midowga Afrika ee dhexdhexaadin doona qeybaha siyaasadda Soomaalida ee is haya”, aniga waxaan Wasiir Dubbe weydiiyay labo su’aal oo aan muhiim u arkay aniga inuu ka jawaabo, kuwaasoo kala ah sidan:

1 – Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera Soomaaliya iyo Musharixiinta raadinaya in ay u tartamaa Madaxweynenimada Soomaaliya weey kasoo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo, suuragal matahay in mar kale teendhada lagu laabto, muxuuna yahay qorshahiina?

2 – Haddii aad ku adkeysataan go’aanka muddo kordhinta, dalkana uu rabshado galo yaa qaadaya masuuliyadda ka dhalata?

Waa labadaas su’aal kuwa dhiigga ku kariyey Dubbe, oo runtii u muuqday nin aan heyn wax ka badan inta yar ee uu waraaqaha ku soo qortay, iskana dhigay inuu aniga i weerari karo!!

Fallaar gilgilasho kaagama harto, anaga saxaafad ahaan waxaan la taagnaan doonaa su’aalo adag ee yaan dhiigkar la qaadin.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Bulbul

Hadalsame Media