DEG DEG: DF Somalia oo soo dhowaysey Ergayga AU isla markaana weerar kale ku qaadday Jabuuti & Kenya

0

(Muqdisho) 24 Maarso – Wasiirka Warfaafinta DF Somalia ayaa soo dhoweeyey Ergayga Gaarka ee lagu wado in uu Midowga Afrika Somalia uso diro, isagoo dhanka kale weerar kale ku qaaday Jabuuti iyo Kenya.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa ka hadlay 3 qodob oo kasoo baxay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika kuwaasoo kala ahaa Ergayga Gaarka ah, in la hakiyo muddo kororsiga iyo in lala socdo dhaqdhaqaaqa Ciidanka SNA.

Wuxuu Wasiirku sheegay in ay kaliya qaadanayaan Ergayga Gaarka ah ee Somalia kala shaqaynaya doorashada, balse labada qodob ee kale ay lid ku yihiin “xornimada Somalia.”

“Ma jiro urur cambaarayn kara go’aan kasoo baxay Baarlamaan dal leeyahay.” Ayuu ku dooday Wasiir Dubbe.

Wuxuu Wasiirku si gaar ah farta ugu fiiqay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo uu ku eedeeyey in ay iyagu “tifaftireen” Warka kasoo baxay Golaha Amaanka AU.

Wasiirka ayaa si gaar ah usoo qaatay Jabuuti uu xitaa ugu abaal sheegtay inay Somalia uga kacday kursiga AU ee Golaha Amaanka, halka uu sheegay in Kenya ay awalba taa ka filayeen.

Hadalsame Media